Khayre oo balanqaad la xiriira Covid-19 u sameeyay maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Axad ah wuxuu guddoomiyay shir ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo cudurka COVID-19.

Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira.

Khayre oo caddeeyay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, ayaa ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag.

"Xilli adag ayaa lagu jiraa, qof walba oo wasiir ah iyo qof waliba oo Mas'uul ah waa xilligii dalkiisa iyo dadkiisu u baahnaayeen. Waa waqtigii qof waliba oo naga mid ah uu bixin lahaa dadaalka ugu badan," ayuu yiri.

Kala aragti-duwanaanta dhanka siyaasadda ayuu soo jeediyey in aysan saameyn ku yeelan ololaha lagula dagaalamayo fayruska dilaaga ah, isagoo balanqaadey in xukuumadiisa ku garab istaageyso dedaalkooda.

"Dowladda oo ku dadaaleya xakameynta iyo saameynta bulsho ee cudurkaan COVID-19, ayaa hir-gelisay xaruma caafimaad oo lagu daryeelo bukaannada," ayuu yiri xafiiska Khayre.

Dhanka kale, canshuur dhaaf iyo canshuur dhimis ayay u sameysay cunnada aasaaniga u ah nolosha bulshada, iyadoo wada qorshe lagu caawinayo dadka u nugul saameynta ka dhalanayesa tallaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Kiisaska Soomaaliya ee Coronavirus ayaa gaarey 164 kadib markii Wasaaradda Caafimaadka ee federaalka ay maanta diiwaan-gelisay 29 xaaladood oo cusub. Puntland iyo Somaliland waxay dhankooda maanta diiwaan-geliyeen min hal kiis; dhanka maamulka Hargeysa wuxuu u noqonayaa kiiskii lixaad maadaama uu horey 5 [shan] u soo wariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM