Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay hogaanka Ahlu Sunna

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ra'iisul Wasaare Khayre oo socdaal ku joogo Dhuusamareeb ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu la kulmay hogaanka Ahlu Sunna iyo madaxa xukuumada Galmudug.

Wasiirka koowaad ee dowladda federaalka ah ayaa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Macalim Maxamuud Sheekh Xasan ku qaabilay hoyga uu ka degan yahay xarunta rasmiga ah ee maamulkaasi.

Xafiiska Khayre oo warkaan baahiyey ayaa waxa uusan u soo bandhigin saxaafada qodobadda lagu falanqeeyay shirka ay dhinacyadan yeesheen kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno kale.

Balse illo ku dhadhow ayaa u dusiyey war-fidiyeenka ah in looga arrin-sadey arrimo ay kamid tahay xasaradaha siyaasadeed ee jira iyo qabsoomida doorashada Galmudug.

Madaxtooyadda ayaa heshiis qarsoodi ah waxay ka gashay Ahlu Sunna taasi oo dhalisay in madaxweyne Xaaf uu ka huleelo Dhuusamareeb wallow uu shaaciyey in la xaliyey khilaafkii jiray.

Cod-bixinta lagu dooranayo hogaamiyaha xiga ee Galmudug iyo Golaha Wakiilada ayaa waxaa loo mudeeyay in ay qabsoonto 4-ta bisha Julaayo ee sanadkan 2019, sida ay dhinacyaddu ic-laamiyeen.

Villa Soomaaliya oo ku eedeysan in ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha Galmudug ayaa dooneysa in coddeyntaasi uu kusoo baxo siyaasi daacad u ah, si lamid ah maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM