Khayre: Xaaf iyo Shaakir way ogolaadeen qabsoomida doorashada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Isaga oo meel-fagaaro ah kula hadleyay shacab lasoo diyaariyey, ra'iisul wasaare Khayre ayaa shaaciyey in Xaaf iyo Sheekh Shaakir "ay aqbaleen" doorasho ka qabsoonto Galmudug.

Balse Khayre ma uusan kala caddeyn halkay ka dhaceyso coddeynta maadaama khilaaf uu ka taagan yahay magaalada martigelineysa Dhuusamareeb iyo Cadaado oo gobolka Galgaduud kawada tirsan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Axmed Ducaale Xaaf oo lagu shaaciyey in lasoo afjarey xiisadii kala dhaxeysa Villa Soomaaliya ayaa lagu xusay in coddeynta ay martigelin doonto xarunta baarlamaanka maamulka.

Hasa ahaatee wasaaradda arrimaha gudaha si lamid ah madaxa fulinta Galmudug ayaa lagu sheegay in doorashada ay qabsomeyso Dhuusamareeb oo dastuurka Galmudug ku qoran yahay in ay tahay caasimadii.

"Madaxa Fulinta dowlad goboleedka Galmudug, Sheekh Shaakir iyo madaxweyne Xaaf oo labaduba ogolaadey doorasho dib loogu yak-leelayo Galmudug, su'aashu waxay tahay marka, reer Dhuusamareebaadow diyaar ma utihiin doorasho, diyaar ma u tihiin Galmudug oo xoogan, diyaar ma utihiin inaad soo dhaweysaan markay imaanayaan reer Galmudug oo idil halkaan," ayuu Khayre su'aalay dadweynaha oo ugu jawaabey "Haa".

Inkasta oo uusan si cad daaha uga rogin, hadana hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa lagu macneeyay in uu xoojiyey rabitaanka dowlada ee ah in ay Dhuusamareeb ka dhacdo doorashada.

"Si magaala madaxi ugu ekaato magaala madax waa in ay ka howlgalaa hay'adaha amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha ee federaalka," ayuu hadalkiisa kusii daray Khayre.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku eedeysan in ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha maamulada si gaar ah Galmudug iyo Jubbaland oo doorasho ay kusoo food-leedahay.

Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmaya iyadda oo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashada Galmudug laga dareemayo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay kusii qulqulayaan siyaasiyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM