Khayre oo ka hadlay qabsoomida doorashooyinka xilli uu shaki jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka dhigay in madaxda talada haysa ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go'an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo sanadka 2020-21.

Hadalkaas ayuu wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu kaga dhawaajiyey shirka golaha wasiiradda ee qabsoomay Khamiistii.

Intii uu hadal-jeedinta sameynayey, Khayre oo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay qabsoomida doorashadda ayaa xusay in ay bud-dhig u tahay sharciyadda dowladda iyo awooda ay u leedahay in ay xafiiska sii joogto.

"Dalka in ay doorasho ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale, macnaheedu waxay tahay in qof walba uu ku dhaco dareen ah in afartii sanaba ay dalkan doorasho ka dhacdo," ayuu ayuu u sheegay wasiiraddiisa.

Wasiiradiisa ayuu ku tartarsiiyey in ay maanka ku hayaan in dalka ay ka dhaceyso doorasho kadib dhamaadka mudda xileedka gabaabsiga ah.

"Sababtoo ah, wax walba oo aan soo dhisnay waxay ku negaanayaan ama kusii soconayaan in dalka uu leeyahay xasilooni siyaasadeed oo aan ka shaqeynayno, hadii uu Ilaahey idmo," ayuu hadalkiisa ku daray Khayre.

Xilli uu carabka ku dhuftay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo shacabka ogol-yahay, Khayre ayaa si cad wuxuu taageeray in saamileyda siyaasadda ay kaalin ku yeeshaan hirgelinta doorashooyinka.

Dhawaqa kasoo yeerey Khayre wuxuu kusoo aadayaa xilli qaar kamid ah maamuladda dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay shaki gelinayaan in coddeynta soo aadan ay waqtigeeda ku qabsoomi doono dhamaadka sanadkan.

Dowlad goboleedyadda iyo saamileyda ayaa ka digay muddo kororsi ay sameystaan madaxda talada haysa, arrintaas oo ay xuseen in ay "dhibaato ku tahay mustaqbalka waddanka".

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod. Guddiga heerka qaran ee hirgelinta cod-bixintaas wuxuu dhowaan hortagayaa baarlamaanka dalka si uu u caddeeyo hadii ay dhici karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM