Khayre oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub

Image
Image

BRUSSELS, Belgium - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta ururkaas.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini, oo ah siyaasi 46-sano jir ah una dhalatay Talyaaniga, ayaa sidoo kale waxay tahay wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga.

Mogherini ayaa adkeysay sida ay midawga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni iyo dhaqaale ahaanna horumarsan.

"...oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh ee dhallinyarada u badan iyo khayraadkeeda dabiiciga ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Muqdisho.

Kulanka Ra'iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub oo kamida daneeyeyaasha Soomaaliya.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in shirka lagu soo qaadey arrimaha doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 2020-21, taas oo madmadow qaabka ay noqoneyso maadaama aan wali lagu heshiin.

Doorashadda ayaa la filayaa in ay noqoto qof iyo cod ah. Hase ahaatee, xisbiyo iyo maamulada qaar waxay shaki geliyeen arrintaas "maadaama aanan la hirgelin qodobadii lagu gaari lahaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM