Khayre oo lagu soo dhaweeyay Guriceel, lana kulmay Ugaas Xasan

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud.

Mudane Khayre oo kumannaan dadwayne ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo soo dhawayntiisa isugu soo baxay kula hadlay goob fagaara ah ayaa mahad celin kadib waxa uu uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa Galmudug iyo guulihii la gaaray intii uu waday wadatashiyada uu bulshada kala yeelanayay dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha dhiiggu ku daadanayo ee ka socda deegaannada hoos taga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran.

Khayre oo horay u tegay deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu si la mid ah deegaannadii uu soo maray kulamo la yeelanayaa qaybaha bulshada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Guriceel kulan qado ah kula qaatay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur

Ugaaska iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka dhaqanka ee gogosha dib-u-heshiisiinta Galmdug iyo dib-u-dhiska iyo dhamaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugaaska u sheegay in socdaalkiisa Galmudug guud ahaan uu salka ku hayo sidii reer Galmudug uu ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, xariir wanaagsan la leh dowladda federaalka, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalka dheeraadka ah ee uu geliyay dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hey’adaha Galmudug ayaa qadada kadib guddoonsiiyay faras uu u hadiyeeyay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu safarka Galmudug ku jiray la kulmay madaxda dowlad gobaleedka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si loo ballaariyo talada lagu dhisayo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM