Khayre oo shaaciyey tirada daynta lagu leeyahay Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey maaliyadda dalka ayaa sheegay in dalka waqti xaadirkaan lagu leeyahay Shan milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Khayre ayaa xusay inay socdaan dadaalo ay wado dowladda oo ku saabsan sidii dalka looga cafin lahaa dayntaasi fara badan, si Soomaaliya awood ugu yeelato inay dib u habeyn ku sameyso dhaqaalaheeda, una soo daabacan lahayd lacag cusub.

Shuruudo ayaa lagu xiray si looga cafiyo daynta, kuwaasoo qaarkood ay Xukuumadda Khayre sheegtay inay ka gudubtay, inkasta oo uusan fahfaahin Wasiirka 1aad waxay yihiin shuruudaha, balse la fahansan yahay inuu ugu horeyso la dagaalanka Musuqa.

Tobaneeyo qof ah oo isugu jira mas'uuliyiin dowladeed iyo shaqaale ayaa haatan eedaymo musuq-maasuq xabsiga ugu jira, xili qaarkood maxkamad ay kasoo muuqdeen maalmo kahor, wallow aanan wali xukun lagu ridin.

Khayre oo sii hadlaya ayaa faray dhamaan hay'addaha dowladda gaar ahaan kuwa ku shaqada leh la dagaalanka musuqa inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo lunsashada Hantida dadwaynaha ku lug-yeelata darajadday doonto ha yeelato.

Ugu dambeyn, Khayre ayaa u digay qoysaska iyo mas'uuliyiinta dowladda inay soo damiintaan shaqsi loo haysto eedaymo musuq-maasuq, taasi oo uu qeexay in dowladdiisa aysan marnaba "u dulqaadan doonin, aysana aqbali doonin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM