Khayre oo shir deg deg ah isugu yeeray Gollahiisa Xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa lagu waramayaa in uu shir deg deg isugu yeeray Gollahiisa Wasiiradda.

Shirkaan oo ka qabsoomaya xarunta Gollaha Fulinta ee magaaladda Muqdisho ayaa looga hadlayaa qodobo uu kamid yahay xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimada.

Illo ku dhow xafiiska Khayre ayaa laga soo xigtay in kulankaan deg deg ah ay soo dadejisay kadib fadhigii baaqday ee Gollaha Shacabka baarlamaanka federaalka.

Kulanka Aqalka Hoose ayaa dib ugu dhacay markii uu buux-sami waayay kooramka oo ay soo xaadirtay 116 mudane xili loo baahnaa in ka badan 135 mudane.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in suurtagal ay tahay in Khayre uu qaado talaabooyin uu uga fal-celinayo culeyska xukuumadiisa ee dhanka amaanka.

Lama ogga waxa ay noqon karto talaabooyinkaasi, inkasta oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay macquul tahay xilka qaadis uu sameeyo wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah.

Mudanayaal ka tirsan Aqalka Wakiilada oo baaqashada kulanka kadib u waramay warbaahinta ayaa ku goodiyay in ay mooshin ka gudbinayaan xukuumada.

"Walaahi aniga ayaa hogaamin doona mooshin lagu ridayo xukuumada, hadii aysan kulanka xiga wasiirada na hor-imaan," ayuu yir Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow.

Si lamid ah shirka deg deg ah ayaa kusoo aadaya iyadda oo isbaddel lagu sameeyay qaab dhismeedka hogaanka ciidamada milatariga dalka Soomaaliyeed.

Jagada taliye ku xigeenka ayaa lasoo kordhiyay iyadda oo meesha laga saarey Abaanduulaha, waxaana la magacaabay taliyaha Ciidanka lugta. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Muddo laba sano ah oo uga hartay xil-haynta xukuumada Farmaajo iyo Khayre ayna ku fashilmeen arrimo uu amniga kamid yahay ayaa waxay haatan umuuqadaan kuwa diirada saareysa sidii ay u hagaajin lahaayeen meelaha ay ka liitaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM