Khayre oo shir degdeg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiirada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska Khayre, shirkaan ayaa daaran Sharciga Doorashooyinka qaranka oo xukuumadda horyaala.

Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo horyaala Goluhu sanadihii lasoo dhaafay  ayaa la filayaa in cod loo qaado kahor inta aanan loo gudbin Aqalka Hoose.

Golaha Shacabka ayaa marsiin doonta akhrin, waxna ka bedeli doona mad-madow hadii uu ku arko kahor inta uusan ansixin una gudbin Aqalka Sare.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobada shirka lagu jeex-jeexi doono ay kamid tahay xaaladahii ugu dambeeyay ee wadanka gaar ahaan dhaliisha mucaaradka.

Isu imaatinkaan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo xukuumada ay wajaheyso culeys uga imaanaya dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tartarsiiyay in ay is-casisho.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa in doorasho qof iyo cod ay ka qabsoonto 2020, inkasta oo xoogaga siyaasadeed ay shaki gelinayaan.

Madaxda ugu sareysa dowlada gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre ayaa ku cel-celiyay in coddeyntaasi ay dhici doonto.

Doorashadda 2020-ka ayaa la rajeynayaa in ay noqoto mid ay ku loolamaan xisbiyadda siyaasadeed oo durba bilaabeen ol'olalahooda ku wajahan cod-bixintaasi taariikhiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM