Khayre oo u hanjabay Mucaaradka Xukuumadiisa [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Xukuumadiisa, oo markasta oo horumar sameyso ka dhiga waxbka kama jiraan.

Khayre ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabadda kooban oo looga dhawaaqay in Dowladda ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada dalka, kadib markii dhawaan la xiray xafiiskiisa ICAO ee Nairibi, oo mudo ku dhaw 30 sano laga maamuli jiray.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in talaabadaan ay kula soo wareegaan Maamulka Hawada ay tahay mid bilow u ah guulaha dalkay ay gaarsiinayso Xukuumadda uu isaga hogaamiyo.

Wuxuu u mahad-celiyay Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar], Madaxweyne Farmaajo iyo dhamaan cida ka qeybqaadatay in qorshahaan uu her-galo.

"Inaan hawadeena ka maamulano dalkeena waa guul bilow ah, laakiin waxaa kasii muhiimsan inaan is-dhigan oo aan halkeena kasii wadno guulaha aan hiig-saneyno, si aysan nooga baabi'in waxaan haysano," ayuu yiri Khayre.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya sheegtay inay si rasmi ah hawadeeda ula soo wareegtay lagana maamuli doono Muqdisho, hadana maamulka Somaliland oo gooni isku taag ku dhawaaqay 1991, uu qaadacay talaabadan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM