Kheyre oo shaqo-joojin ku sameeyay Wasiir katirsan Xukuumadiisa [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shaqa-joojin ku sameeyay maanta oo Arbaco ah Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadiisa, Maxamed Khaliif Diiriye [Shaakuud].

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in go'aankan shaqada looga joojiyay Wasiir ku xigeenka inuu yimid kadib codsi Kheyre uga yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya, Axmed Cali Daahir.

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu soo eedeeyay inuu ku lug leeyahay Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta dollar-ka been abuurka ah, iyadoo xafiiska Xeer Ilaaliyaha uu doonayo inuu ku sameeyo baaritaan dhameystiran.

Ciidamada NISA ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa 10-kii bishan qabtey labo qof oo fal-dembiyaadkan lacag-dhaqida ka shaqeeya, waxaana Nabad Sugida ay sheegtay in kiiskan ay ku lug leeyahay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka.

Wasiir ku xigeenka uu Kheyre shaqa joojinta ku sameeyay ayaa ah Xildhibaan katirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana mar hadii laga dhigay xasaanad ay hay'adaha amaanka ku sameynayaan baaritaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli billooyinkii lasoo dhaafay uu Kheyre sidan oo kale shaqada uga joojiyay mas'uuliyiin dhowr ah, oo uu kamid yahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mukhtaar Mahad Daa’uud oo musuq-maasuq lagu soo eedeeyay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa'uud

Soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe safka hore ka galaysay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo Ra'iisul Wasaare Kheyre tan iyo markii la magacaabey Febauary 2017 ku celceliyay inuu la dagaalamayo musuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM