Khilaafka madaxda Galmudug oo aan wali la xalin [Akhri Sababta]

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa shaaca ka qaaday in aanan wali xal rasmi ah laga gaarin khilaafka udhaxeeya masuuliyiinta ugu sareysa maamulkaan, kaasoo soo jiitamayay bilooyinkii lasoo dhaafay.

Khilaafka oo u dhaxeeya Madaxwayne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casar oo isku dhinac ah iyo Madaxwayne Xaaf iyo madaxa xukuumada Sheekh Shaakir ayaa sababay inuu maamulka kala qaybsamo.

Hanaanka awood-qaybsiga ee Beelaha dega degaanada hoos-yimaada Galmudug, heshiiska ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo Galmudug, muddo kororsi "sharci daro ah oo uu samaystay Xaaf" iyo in tirada Xilldhibaanada oo ka kordhiyay ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaafka.

Heshiis labo bilood kahor ay ku saxiixdeen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu sheegay in lagu soo gabagabeeyay xasaradaan ayuu Xaaf si cad u qeexay in dhaqan-gelinkiisu ay diideen Carabey iyo Casar, isaga oo sheegay inay diideen imaatinka Dhuusamareeb.

"Kadib wadahadal dheer kadib oo aan Muqdisho u joognay, heshiis ayaan gaarnay labo bilood kahor. Balanku wuxuu ahaa inaan Dhuusamareeb tagno inaga oo wadajirna, laakiin way diideen, sababtuna ma cadda, balse, waa laga sal gaari doonaa," ayuu yiri Xaaf.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa waxa uu eedaymo culus u jeediyay dowladda Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] oo uu ku eedeeyay inay "ka gacan bidaxayneyso maamulkiisa" dhaqaalaha ay Soomaaliya ugu yabooheen deeq-bixiyaasha caalamka.

Shirkii madaxda Soomaalida iyo deeq-bixiyaasha ee ka dhacay bishii hore Magaaladda Brussels, kaasoo uu Madaxwayne Xaaf ka qayb-galay ayuu ka dhawaajiyay inay loogu deeqay dowladda "lacag badan" wuxuuna rajo fiican ka muujiyay inay sii gaarto.

"Hada kadib, dowladda yaanan ku tashan ee aan isku tashano. Nooma gacan furna. Shirkii Brussels lacag badan ayaa nagula soo yaboohay. Ilaahey ha inoo calfo [qoondada aan ku leenahay]," ayuu hogaamiyaha Galmudug uu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, Madaxwayne Xaaf ayaa daboolka ka qaaday inuu ka qayb-geli doono shirka madaxda maamul goboleedyadda dalka uga furmi doona bisha dambe Magaaladda Kismaayo, halkaasoo qodabo badan looga hadli doono oo amaanka ugu horeeyo.

Hadalkaan oo uu Madaxwayne Xaaf ka dhawaajiyay kadib markii uu dib ugu laabtay Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili xiriirka Galmudug iyo maamulada qaar ee dalka uu gaarey meeshii ugu hooseysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM