​Khudbadda Murashax Farole kahor jeediyay Xildhibaanada Somalia

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Murashax Cabdiraxmaan Farole oo kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia, ayaa kamid ahaa 7 xubnood oo maanta hortagay Barlamanka kuwaasoo jeediyay khudbadahooda ku aadan waxay qaban doonaan.

Murashax Farole oo ka hadlay arrimo kala duwan ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadkii uu dalka iyo dadka Somaliyeed u sameeyay iyo qorshihiisa ku aadan sidii uu dalka uga saari lahaa dhibaatada uu ku jiro.

“32 sano oo shaqo dowladdeed ah baan hayey lagasoo bilaabo Bangiga dhexe ilaa aan noqday madaxweynaha Puntland, waxaan waxbarasho waday 25sano , kuwo goos goos ahna waa jireen , waxaan haystaa 3 shahaado oo kala ah xiriirka calamiga ah, dhaqaalaha iyo PHD oo aan diyaarinayo,"Ayuu yiri Farole.

"Waxaan ka qaybgalay shan shir oo Soomaali lagu dhisayay, weligay qori ma qaadan jabhadna ma noqon dadka la eedayayna kama mid ahayn, waxaan wax ka dhisay dowladdii Puntland oo ahayd dowladii ugu horeysay ee an ka goin Soomaaliya, Waxaan noqday wasiirkii Maaliyada, wasiirkii Qorsheynta, waxaan noqday Madaxweynaha Puntland oo ay marag madoonto ah waxii aan qabtay, waxii aan kasoo shaqeeyay ayaan maanta wax ku raadinaya anigoo ka midnoqday Baarlamaanak 10aad,"Ayuu murashaxu hadalkiisa ku daray.

"Sugidda amniga qaranku waa waxa ugu muhimsan ee lagu heli karo dowladd taam ah , taasi hadii aan lasameyn waxba laguma heli karo , masheegin iska fadhi meesha oo kursiga kululay. Waxa qorshahayga ugu horeeya sugida amniga qaranka , rag badan ayaa ka hadlay laakiin nin walbo garashadiisa waa leeyahay."

"Waxaan jecelnahay in aan dib u eegid ku sameynaynaa qorshaha amniga , waxaan xooga saari doonaa in la xoojiyo ciidamada amniga ee hada jira , ciidamadu waa gacmihii dowladda hadii aan ciidan jirin waxba lama qaban karo , qof bilaa gacmo ah waxba ma qaban karo in afka wax loogu guro mahane . ciidamadu waa in ay helaan mushahar joogto ah helaan , dadka soomaaliyeed wa in ay bixiyaan mahan ajenebi in lagu tiirsanaado hadii kale waa joojinay , bixin mayno , waa la waayey , walaahi wa idinka goynaynaa iyo wa lagugu hogaamiyo lama rabo."

"Waxaa loo baahanyahay dib u heshiisn qaran , dib u heshiisimo hore waa lasameeyay laakiin mar walbo waxaa ka qaybgelayay dadka siayasiyiinta ah oo hadii wax lawaayo xanaqaya ama dalalka deriska kasoo jeensanaya kii xanaqaba , dadku wax uma qabysamaan , kursigu dadka ma deeqo , boqol madaweyne ma jiraan, barlamanka wa tirsanyahay waa 329qof , kun agaasime ma jiraan , waxaa muhim ah dadku in dib u heshiisiinta ay dadku kawada qaybgalaan."

"Heshiisyo ayaa muhim ah in laga sameeyo gobolada koonfur kuwa dhexe, degmada galkacayo iyo cadaado waa ka jirta, heshiisyo dhab ah la rabaa, waxaa muhim ah in la helo heer qaran oo dib u heshiisiin ah, heer qaran hadii aan loo heshiin oo siyaasada laga heshiin waxay noqonaysa weligeed looma dhama , anigu kuma jiro iyo wax walbo, hadii saas socotona Soomaaliya waa loo haraya, islaamaha ayaa ku duceysan jiray ilahow aan naloo harin yaraantaydii ayaan maqli jiray."

"Heerkaasi dib u heshiisiin waxaa ka qayb qaadan kara dadka loo yaqaano oo gobolada laga kala keenay oo hogaamiyeyaal hore ka midyihin, culimo dhinac lagu aqoon ku jiraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka mid ah , dib u heshiisinita waxaa ka mid ah sida loo qaybsanayo kheyraadka , siyaadaa , hirgelinta federaalka dadka ku qanciya , ilaa meel hoose , adeega la gaarsiiyo degmooyinka , maamulada la xoojiyo , lagu taageero dakhli qaran iyo wax ay iska ururiyaan si booliskooda uga adkaadaan in ay maniga sugaan , arrintaasi waa dib u heshiisiinta qaran halkaasi ayaa waxaa soo gelaya wada hadalka Somaliland."

"Somaliland 60kii ayeey ka mid ahayd Somalia hadana xididkaasi waa qoyanyahay weliba dad badan aan ogahay buu u qoyanyahay oo hada halkan fadhiya , waana muhim in la isu soo laabto."

"Walaalayaal burburku dalka uun mahan meel kasta ayaa laga burburay , Muqdisho hada magaalada waan mar maray taariikhdii magaalada lahayd in lasoo nooleeyo ayeey u baahantahay , waxaa kale oo jira burbur maskaxeed oo dadka ku dhexjira."

"Qofkii howl isku taaga kii dhaha waxbaan qabanaya waxaa la oranaya kaasi waa reer hebel oo halkaasi lagaga qorayo oday waa hore dhintay , oo aan soo nooleynay qabyaalad aan waa hore dilnay, waxaa muhim ah sadex inaan la dirirno qoriga qaadka iyo qabiilka amniga ayaa muhim ah isaga hadii la helo wax waa la qaban kara."

"Idinka talada idinka go’da , hada maxaa la idinka baryaya I doorta sow saldhig uma tihidin wax walbo aniguna idinkan idinka mid ahay , hadii aan madaxweyne noqon waayo idinkan idinka mid ahay wixii aan sameyno baa wax noqonayo , laakiin mar walbo waxaa muhim ah in la daboolo baahidooda nololeed xildhibaanada."

"Baarlamaanka banaan la waray , maalinba hotel baa lagu weerara , waxa loojeedona waa iyaga waayo dowladda ayeey dhisayaan ayaa la is oranaya , baarlamaanka waa in la daboolo baahidooda , anigana hadii la I doorto waan sameynaya , horena waan usoo sameeyay . ama buurtan baa loo oodaya ama buurkale baa loo oodaya ila buurmahane meelkale hada lagu nabad geli mayo , ama meel gaar ah baa lagu ilaalin , magaala gaara ah afgooyene ha ahaatee , amnigu caqligu ayuu la shaqeeya markaasi baa qofka shaqeyn karaa , caqliga fiican wuxuu ku jiraa jirka fiican."

"Musuq maasuqa waan la diriraya , hore dowladii siyaad anigoo la diriraya musuq maasuqa ayaan idiin sheegaya in nagula diriray, xiligaasi maxamed siyaad ma ahayn qofka nala diriray dadkii ka hooseeyay ayaa nala diriray aniga iyo ninkale oo aan Bangiga ka wada shaqeyn jirnay, qof marag ah ayaa hada dhex fadhiya halkan oo og wixii naga qabsaday arintaasi waagii , musuq maasuquna waa kan markii danbe dowladiiba burburiyay."

"Madaxweynaha hadii qof loo doorto waxba ma qaban karo hadii aan lala shaqeyn, anigu hadii aan guulaysto dadka ayaan kashaqeysiinaya , waana soo tijaabiyay xiligii Puntland aan hayey , anigu waxba ma qabteen hadii aanan dadka ka shaqeysiin waxaa ka mid ah tusaalayaasha sidaan uga shaqeeyay garsoorka."

"Waxaan wax ka qaban doona shaqa la’aanta dhalinyarada waxaan u sameyn doona xirfad , hindi iyo pakistaani baa la keenaa maxay u baran waayeen taasi dhalinyarada tahriibaysa , waxaan la diriri doonaa balwada , khamriga , qaadka iyo wixii la mid ah ilaa heer gobol ilaa heer degmo."

"Dastuurka waxaa kuyaal Soomaaliya waxa iska leh dadkeeda , ma jirto qof keligiis leh , ama koox yar , ama kooxaha yaryar oo magacyada diimeed sheegta , anigu ma garanyo goor ay nabiyadoodu soo degeen iyo waxa ay yihiin , waxaan idiin sheegaya dalkeena in aan waxba laga bedeli karin hadii uusan Baarlamaanka ogolaan , idinka ayaa leh awoodaasi, qofka imanaya waxaa laga rabaa in uu yahay qof yaqaan diinta tukada ku dhaqma , aniguna dadku iguma yaqaano shiikhnimada laakiin diinta waan aqaanaayoo wadadu iguma khamaysan karaan hadaan idiin sheegayaaye."

Wariye Jamac Deperani

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM