Kiisaska Covid-19 ee dalka: Magaalada ugu badan, tirada raga iyo dumarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fahfaahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee fayruska Corona ee dalka. Wasiirka Caafimaadka, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa warbixinta bixisay.

Fowziya oo wariyeyaasha kula hadashay Muqdisho ayaa shaacisay in kiisaska la xaqiijiyey illaa iyo haatan ay gaarayaan 80, iyaddoo shan qof ay u geeriyoodeen, laba kelana ay kasoo bogsoodeen.

Saddex kamid ah dadka uu galaaftay oo uu ku jiro wasiir ka tirsan HirShabelle waxay ku dhinteen Isbitaalo kadib markii dheecaanada looga qaadey halkaas, sidda ay tibaaxday Fowziya.

Kiisaska ayay xustay in 73 kamid ah ay ka jiraan Muqdisho, shan laga soo wariyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa, laba kelana ay ku karan-tiilan yihiin xaruna ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo.

Bukaanada uu soo ritay xanuunka ayaa 70 kamid ah waxay yihiin rag, tobbanka kelana waa dumar. Waxaa ku jira shaqaale caafimaad. Shaqsiyaadkaan waxay da'dooda u dhaxeysaa 40 illaa iyo 60-sano jir.

Marka loo eego da' ahaan iyo kiisaska waxay kala noqonayaa; inta u dhaxeysa 0-20 jir waa saddex qof, 20-40 waa 48 qof, 40-60-jirna waxaa laga helay 16 ruux, 60 iyo wixii ka badana waxaa laga helay 13 qof.

Sidee Muqdisho hogaanka ku qabatay?

Sidda ka muuqata warbixinta Wasaaradda Caafimaadka, caasimada dalka ee Muqdisho waxay hogaamineysaa tiradda kiisaska magaalooyinka dalka. Dadku waxay is-waydiinayaan sidee arrintaan ku dhacday?

10-ka bishii Maaj ee sanadkan waxaa la karantiilay 166 qof oo lagu tuhmay cudurka. Hal qof ayaana laga helay, sidda ay sheegtay Fowziya. Bukaankaas oo natiijadiisa la shaaciyey 16-kii Maaj waa muwaadin.

7-dii April, tan iyo markii la hirgeliyey sheybaarka dhexe ee Qaranka kaas oo looga maarmay tijaabada dibadda loo qaadi jiray, waxaa xanuunka laga baarey 186 qof. 16-kii April, waxaa laga baarey 193 ruux.

"Natiijada 40 [afartan] xaaladood oo la baarey waxaan filaynaa in ay soo baxdo berri oo Jimce ah," ayay hadalkeeda ku dartay Drs Fowziya.

Badi kiisaska Muqdisho waa dad aan ka bixin magaaladda, taas oo macnaheedu yahay in ay xiriiro la sameeyeen bukaano. Wasaaradda waxay ku talisay in dadku kala fogaadaan.

Soomaaliya ayaa lagu sheegay mid kamid ah wadamada u nugul caabuqa dilaaga ah, maadaama hanaanka caafimaad ee qaranka uu hooseeyo. Tusaale ahaan, xarunta karantiilka ee la diyaariyey waxay qaadaa 100 qof.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM