Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo ay kusoo korortay 29

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay soo korortay 29 kiisas cusub oo ah fayruska safmareenka ah ee Corona.

Iyaddoo ay muuqato in sarre u kaca uu si maalinle ah ugu socdo xawaare sarre, tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta guud ee xaaladahan caabuqa ay gaareen 164.

"Baaritaanadii maanta la sameeyey, waxaa cudurka COVID-19 laga helay 29 qof; Lab: 21; Dhedig: 8; Bogsasho: 1; Tirada guud: 164," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, oo ka war bixiyay dadaallada ay wadaan guddiga qaran ee kahor tagga Corona, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta ay yeelan karto in bukaannadu qarsadaan cudurkaan halista badan ee laayaanka ah.

Dr Fuje waxuu caddeeyay in guddigu bixiyeen dadaallo guuleystay, si habsami lehna u socdaan howalaha xarumaha caafimaadka ee loo diyaarshay in dadka lagu baaro, kuwa bukaannada lagu daweeyo iyo xarunta xariirka COVID-19 ee bulsha lagula socodsiiyo talooyinka ay u baahanyihiin, sidoo kalana looga gurmado dadka u baahan gurmadka degdegga ah.

Dhaqtarka ayaa ku celiyay in dadaalkaas oo dhan sababta loo bixinayo ay tahay in kor loo qaado heerka bed-qabka bulshada, hase yeeshee hadii dadku ay qarsadaan cudurka oo aysan tegin goobaha baarista oo aysan raadsan talooyin caafimaad, ay keeneyso in cudurku uu sii faafo, oo dhibaato uu gaarsiiyo dad badan oo la badbaadin kari lahaa.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku taliyay in qof kasta oo isaga shakiya cudurkaan uu la xariixo xarunta xariirka COVID-19, lana raaco talooyinka la siinayo, si guul looga gaaro dadaallada naf-baadinta ee lagu doonayo inay daryeel buuxa ku helaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Fowsiya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), oo isna ka hadlay qorshaha xakameynta COVID-19 ayaa caddeeyay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19, lana diyaariyay kooxo gaar ah oo ka shaqeeya aasidda meydadka, taas oo qayb ka ah dadaalka loogu jiro horumarinta daryeelka bulshada.

Muqdisho ayaa hogaamineysa tirada kiisaska magaalooyinka Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in ay intaas kasii bataan maadaama la xusay in cudurka uu ku faafay caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM