Koonfur Galbeed: Ciidamo "laayey" rayid oo isu dhiibay Al-Shabaab

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Tirro kamid ah ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed degmada Diinsoor ayaa waxaa lagu waramay in ay u goosteen Al-Shabaab kadib markii ay shalay laayeen dad shacab ah.

Illo degaanka ah oo la hadlay Garowe Online ayaa shaaca ka dhigay in rayidka lagu dilay mid kamid ah makhaayadaha ku yaala magaaladaas ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

"Dadka la dilay oo laba kamid ah ay ahaayeen askarta federaalka waxay tiradoodu gaareysaa 14; dhaawacana waa saddex kale," sidaas waxaa GO u sheegay wiil aabihii uu ku jiro dadka geeriyooday.

Askarta ku kacdey falkaas ayaa la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen mid kamid ah mas'uuliyiinta Diinsoor. Dhacdadaas waxay kusoo aadey iyaddoo khilaaf siyaasadeed uu u dhaxeeyo madaxda.

Wararka ayaa xusaya in khilaafka uu si gaar ah ugu dhaxeeyo gudoomiyaha iyo ku xigeenka, kuwaas oo xiriiro lala sameeyay gebi ahaanba ka gaabsaday in ay ka hadlaan shaqaaqadaas.

Lama ogga hadii askarta isu dhiibtay Al-Shabaab ay kolkii hore kasoo baxsadeen xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

"Gudoomiyaha wuxuu hoosta ka galay ciidamada Itoobiya, halka ciidamada ay wali isku hor-fadhiyaan magaalada, xaalada waa mid aad kacsan," ayuu yiri wariye madax banaan oo ku sugan Diinsoor.

Maleeyshiyo kala taabacsan dhinacyada isku haya siyaasada ayaa lasoo warinayaa in dhankooda ay wadaan hub-uruursi xoogan.

Maamul goboleedka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dilka dadkaas shacabka ah.

Asbuucii hore ayay ahayd markii ciidamo ku sugan degmada Buur Hakaba ay isku rasaaseeyeen soo qabashada askar lagu eedeeyay dilka dad shacab ah oo la rasaaseeyay gaarigooda xili ay taagnaa kontarool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM