Koonfur Galbeed: Ciidamo "laayey" rayid oo isu dhiibay Al-Shabaab

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Tirro kamid ah ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed degmada Diinsoor ayaa waxaa lagu waramay in ay u goosteen Al-Shabaab kadib markii ay shalay laayeen dad shacab ah.

Illo degaanka ah oo la hadlay Garowe Online ayaa shaaca ka dhigay in rayidka lagu dilay mid kamid ah makhaayadaha ku yaala magaaladaas ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

"Dadka la dilay oo laba kamid ah ay ahaayeen askarta federaalka waxay tiradoodu gaareysaa 14; dhaawacana waa saddex kale," sidaas waxaa GO u sheegay wiil aabihii uu ku jiro dadka geeriyooday.

Askarta ku kacdey falkaas ayaa la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen mid kamid ah mas'uuliyiinta Diinsoor. Dhacdadaas waxay kusoo aadey iyaddoo khilaaf siyaasadeed uu u dhaxeeyo madaxda.

Wararka ayaa xusaya in khilaafka uu si gaar ah ugu dhaxeeyo gudoomiyaha iyo ku xigeenka, kuwaas oo xiriiro lala sameeyay gebi ahaanba ka gaabsaday in ay ka hadlaan shaqaaqadaas.

Lama ogga hadii askarta isu dhiibtay Al-Shabaab ay kolkii hore kasoo baxsadeen xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

"Gudoomiyaha wuxuu hoosta ka galay ciidamada Itoobiya, halka ciidamada ay wali isku hor-fadhiyaan magaalada, xaalada waa mid aad kacsan," ayuu yiri wariye madax banaan oo ku sugan Diinsoor.

Maleeyshiyo kala taabacsan dhinacyada isku haya siyaasada ayaa lasoo warinayaa in dhankooda ay wadaan hub-uruursi xoogan.

Maamul goboleedka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dilka dadkaas shacabka ah.

Asbuucii hore ayay ahayd markii ciidamo ku sugan degmada Buur Hakaba ay isku rasaaseeyeen soo qabashada askar lagu eedeeyay dilka dad shacab ah oo la rasaaseeyay gaarigooda xili ay taagnaa kontarool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM