Koonfur Galbeed oo toogatay Shabaab "maleegayay" weeraro

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Mas'uuliyiinta ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ciidamadda ammaanka ay nolosha ku hayaan Al-Shabaab maleegayay weeraro.

Saraakiisha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in xoogaga dowladda ay toogasho ku dileen mid kamid ah raggaasi markii uu isku dayey in uu baxsado.

Howlgalkan ayaa Jimcadii waxaa laga fuliyey tuulada Midow oo hoostagta degaanka Awdiinle kana tirsan gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo ayaa intaasi ku daraya in shaqsiyaadka oo tiradooda ay gaareysay laba ay abaabulayeen qaraxyo nooca wadada lagu aaso ah.

Dhinaca kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida weli wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed.

"Gacanteena ayuu ku jiraan. Sharciga ayuuna wajihi doonaa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada daraawiishta dowlad goboleedkaasi.

Qaraxyadda Miinooyinka ayaa kamid ah xeeladaha dagaal oo ay Al-Shabaab ku beegsato kolanyada ciidamada dowladda iyo kuwa ajnabiga ah.

Al-Shabaab ayaa joogitaan balaaran ku leh gobolada maamulkan halkaasi oo ay weeraro jidgal ah ku ekeeyaan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM