Koonfurta Gaalkacayo oo lagu dagaalamay

Image

Sept 25, 2014 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyoodey dagaal maanta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacayo.

Dagaalka oo muddo kooban socdey wuxuu dhex maray labo kooxood oo burcadbadeed ah oo kasoo wada jeeda dhanka Galmudug.

Sida wararka lagu helayo wuxuu dagaalkaasi qarxay kaddib markii kooxaha burcadbadeedku ay ku murmeen qaybsiga lacag madax furasho ah oo laga qaatay weriye u dhashay dalka Jarmalka oo dhawaan lasii daayey.

Dadka geeriyoodey saddex kamid ahi waa dhinacyadii uu dagaalku dhex maray halka labada kalena yihiin dad rayid ah waxaa sidoo kale xarumaha caafimaadka la gaarsiiyey tiro dad ah oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Ila wareedyo Gaalkacayo ku sugan ayaa GO u xaqiijiyey in dadka dhintay uu qayb ka yahay nin lagu magacaabi jirey Cali Duulaa oo kamid ahaa kuwa ugu caansan hoggaamiyeyaasha burcadbadeedka Soomaalida.

Xaaladda koonfurta Gaalkacayo ayaa hadda degen, inkastoo weli aaggii uu maanta dagaalku ka dhacay laga maqlayo rasaas goos goos ah.

Dhanka kale, waxaa heegan sare la geliyey ciidamada Dowlada Puntland si looga hortago in kooxahaas burcadbadeedka ahi dhanka Puntland usoo gudbaan.

Micheal Scott Moore oo ah weriye Maraykan ah asalkiisuse uu Jarmal yahay, waxaa lasii daayey labo maalmood kahor kadib markii kooxo burcadbaeed ahi ay in ka badan labo sano iyo bar ku haysteen deegaanada Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa xaqiijisey in sii deynta Moore ay timid kaddib markii laga bixiyey lacag madax furasho ah oo gaareysa 1.6 milyan oo doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland Ku Dhawaaqday Inay Noqotay Dowlad

Dowladda Federaalka kama aysan hadlin arrintan, oo kusoo beegmaysa xiisad soo bilaabatay Noofambar 2024.

  • Soomaliya

    08-12-2025

  • 06:13AM

Warbixin Sirdoon oo Turki ah oo ka digtay Xaaladda ka jirta Soomaaliya

Qiimeynta ayaa ku adkaysay in Ciidanka Xoogga Dalka uusan weli awoodin amniga dalka la’aanteed taageero shisheeye.

  • Soomaliya

    07-12-2025

  • 07:23AM