Kooxda AS oo dib ula wareegtay deegaanka Daaru Nimca

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay xoojin doonto dagaalka AS.

Jowhar, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegay in meleeshiyaadka AS ay gudaha u galeen deegaannka, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamada Deegaanka iyo kuwa dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda "AS" ay miinooyin ku aaseen deegaanka si ay u xoojiyaan difaaca, iyadoo ciidamada dowladda ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Al-kawthar.

Ma jiraan wax khasaare oo ka dhashay weerarkan oo AS kula wareegeen deegaanka Daaru Nimca, ilaa iyo haatana ma jira wax war oo ka soo baxay dhanka dowladda.

Kooxda AS ayaa muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda, iyaga oo la wareegay dhowr deegaan oo ay isaga baxeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay xoojin doonto dagaalka AS, iyada oo xoogga saari doonta gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM