Kooxda AS oo dib ula wareegtay deegaanka Daaru Nimca

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay xoojin doonto dagaalka AS.

Jowhar, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegay in meleeshiyaadka AS ay gudaha u galeen deegaannka, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamada Deegaanka iyo kuwa dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda "AS" ay miinooyin ku aaseen deegaanka si ay u xoojiyaan difaaca, iyadoo ciidamada dowladda ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Al-kawthar.

Ma jiraan wax khasaare oo ka dhashay weerarkan oo AS kula wareegeen deegaanka Daaru Nimca, ilaa iyo haatana ma jira wax war oo ka soo baxay dhanka dowladda.

Kooxda AS ayaa muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda, iyaga oo la wareegay dhowr deegaan oo ay isaga baxeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay xoojin doonto dagaalka AS, iyada oo xoogga saari doonta gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xamse oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Gefka Trump u geysanayo Soomaaliya

Isagoo ka hadlayay Shirka 6aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhalinyarada 2025, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in jawaab celin la siiyo Trump.

  • Soomaliya

    03-12-2025

  • 12:38PM

Trump oo Soomaalida ku sheegay “qashin” iyo dad“aan dal lahayn” kadib shir uu la qaatey Golihiisa Wasiirrada

Isagoo ka hadlayay gobolka Minnesota ayuu ku eedeeyay Soomaalida inay “baabi’inayaan…

  • Soomaliya

    03-12-2025

  • 03:18AM