Kulan madaxda Somalida oo ka socda weli Kismayo

Image

KISMAYO- Sep13, 2015 Kismaayo waxaa ka socda shir ay saxaafada banaanka ka joogto, oo u dhexeeya Madaxda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo beesha caalamka.

Waxyaabaha laga shirayo waxaa ka mid ah, in la go'aansado nooca doorasho ee dalka ka dhici karta 2016ka iyo wadada loo marayo doorashadaasi. 

Waxa wada Fadhiya Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra'isalwasaare Sharma'arke, Madaxweynaha Puntland Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan, Ergayga Qaramada Midoobey Nicklos Key, Wasiirka arimaha dibada Ethiopia iyo xubno kale oo gobolka ka socda.

Saxaafada ayaa weli banaanka kusugaysa waxa shirka kasoo baxa , Waxana la filaya markuu shirku dhamaado in weriyayaasha lala hadlo.

Warkaan waxaa kasoo xiganey Jama Deprani oo aan ka fogeyn Koonfurta Somalia

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM