Kulan xalay ka dhacay Madaxtooyada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Xildhibaanada dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo marti kale.

Wuxuu ahaa kulan iska caadi ah oo dhinacyadaas uga hadlayeen hormarka dalka iyo sidii loogu adeegi lahaa shacabka hufnaan iyo cadaalad.

Muhiimadda ugu weyn ee cashadaas loo qabtay ayaa ahayd sidii Madaxweyne Farmaajo uga mahad-celin lahaa Xildhibaanada qaabka wanaagsan ee ay codka Kalsoonida u siiyeen Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu u muujiyay in dalka uu cagta saaray wadadii guusha isagoo xusay inay ka shaqayn doonaan soo celinta sharaftii iyo karaamadii uu lahaa waddankan bur-bursan in kabadan Rubuc Qarni.

“Haddii aysan helin gargaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga  yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan oo qof,” Ayaa yiri mudane Farmaajo.

Xubnihii kale ee Cashadaas tagay ayaa Madaxweynaha ku ammaanay dadaalka uu wado, waxayna ugu baaqeen inuusan ka caajisin danta qaranka.

Ra'isal wasaaraha ayay alle u weydiiyeen inuu xilka ku asturo islamarkaana uu noqdo shakhsi kasoo dhalaala hormarinta Somalia.

Kulankan ayaa yimid xilli shalay la ansixiyay Wasiika koowaad ee xukuumadda Somalia, kadib markii uu hortay golaha shacabka islamarkaana uu jeediyay khudbad dheer oo xusay inuu wax uga qabanayo, musuqa, amniga iyo shaqa la'aanta dhalinyarada Somaliyeed.

Waxaa laga sugayaa inuu soo magacaabo gole Wasiirro ah, si loo guda galo howsha qaran ee hortaalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM