Kulanka Muqdisho oo Gabo Gabo ah iyo Kororsi Madaxda Maamuladu Raadinayaan

Image

MUQDISHO- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa heer gabo gabo ah maraya kulankii uga socdey madaxda maamulada Soomaalida iyo dowlada Federaalka kasoo la filayo in qodobo amniga iyo siyaasada ah kasoo baxaan maanta ilaa berri 10-11/2/2018.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey kulankaan ayaa waxaa Dowlada Federaalka qorsheyneysay inuu dhamaado Khamistii lasoo dhaafey balse waxaa baajiyey madaxda maamulada oo kulan u aadey xafisika ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ku leeyahay Muqdisho.

Talaabadaan oo dowada Federaalka ka xumaatey dib u dhacna ku keentey kulankaan ayaa sida aan xogta ku heleyno waxaa sababey qodob kamid ah amniga ah ee la isku hayo kaasoo maamulada ku raadinayaan in dhamaan ciidamada jooga degaanadooda loo aqoonsado iney yihiin ciidan qaran. Dowlada Federalka ayaa iyadu qabta in aan wax laga badali karin heshiisyadii hore ee lagu qoondeeyey tirada ciidamada kamid noqonaya nidaamka Federaalka marka laga eego dhinaca Booliiska iyo Daraawiishta.

” Qodobokaan madaxda maamulada in loo galiyo warmurtiyeedka waxa ay ka eegayaan in mas’uuliyada ciidamada ka howlgala degaandooda iyo mushahar siintooda iska wareejiyaan si dakhligu ugu baxa ugu baaqdo.”sidaas waxaa GO u sheegey qof ka warhaya wadahadlkaan.

Qorshaha Madaxda maamulada Soomaaliya iyo siyaasada ay ka leeyihiin.

Dhinaca siyaasada, wararka aan heleyno ayaa xusaya inuu jiro qodob ay hoos ka wadaan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, waxayna dadaal ugu jiraan sidii dalka guud ahaan isku mar doorasho looga qaban lahaa iyadoo la wafaajinayo nidaamka doorasho ee dalku qaadan doono marka la gaaro sanadka 2020.

Madaxda maamulada intooda badan waxaa xilalkooda ka harey muddo sanad ah iyagoo cabsi ka qaba in aan dib loo soo dooran balse korirsiimo beesha caalamka iyo dowlada Federaalka ansaxiyeen raadinaya iney ku sii joogaan inta ka hartey waqtiga Farmaajo.

Madaxda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa sanadka 2019 waxaa la filayaa in doorashooyin ka dhacayaan maamulada ay madaxda ka yihiin kuwasoo ay mucaaradad xoogan haysato.

Madaxweynaha Jubaland ayaa isagu inta uu shirkaan imaan waxaa mucaarad xoogan uu kala kulmey Barlamanka maamulkas kuwasoo raadinayey in mooshin xukuumadiisa lagula xisaabtamayo keenaan balse hor-istaagey isagoo xirey xasaanadiina ka qaadey xildhibaankii hogaaminayey.

Madaxweyne Shariif Xasan dhinaciisa waxaa uu hoos u dhigey dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in Villa Soomaaliya diyaarineyso mooshin ka dhan ah.

Dadka siyaasada la socda ayaa aaminsan in Shariif Xasan uusan qorshe la’aan aheyn isagoo Dano fog ka leh Federaalka halka maamulka Koonfur Galbeed ka dhiganayo ‘Gabaad’ siyasadeed.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas oo maamulkiisu tan iyo intii uu xilka qabtey la kufaa kacayey dhibaatooyin amni daro, dhaqaale iyo musuqmaasuq ayaa waxaa hoos u dhacey rajadiisa dib u doorasho isagoo markaan raadinaya qorshe uu ku korsado xilkiisa muddo dhexeysa 1-2 sano. Gaas oo ayaa sida laga helayo dad ku dhow waxa ku jira Han siyaasadeed oo ah in sanadka 2020 uu mar kale iska soo dhinac sharaxo Madaxweynaha iminka talada haya Maxamad Cabdulahi Farmaajo.

Cabdiweli Cali Gaas oo adeegsanaya booqashadii guusha ku soo dhamaatey uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagey Puntland, ayaa sida la rumeysan yahay waxaa uu Villa Soomaaliya ka raadinaya in qorshihiisa siyaasadeed ee waqtigaan la taageero (Pay back time).

Madaxda maamul goboleedyada Jubaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa doorashadii ka dhacdey Soomaaliya sanadkii 2017 waxay qayb ka ahaayeen go’aamadii siyaaadeed ee dalka Soomaaliya dib loogu celiyey nidaamka 4.5 kuwasoo markaas muujinayey iney daacad u yihiin Madaxweynihii hore ( Xasan Shiikh) sidii dib loogu soo dooran lahaa Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo siyaasada Soomaaliya soo galiyey Cabdiweli Cali Gaas ayaa markii xilka Ra’isal wasaaraha laga qaadey xiriirkoodii waxaa uu gaarey heerkii ugu hooseeyey Mudane Gaas- oo markaas badalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM