Kuraastii Villa Somalia u goobeysay gobolka Banaadir oo la baafinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – War-murtiyeedka kasoo baxay wadahadalada doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21 kuna qabsoomay Muqdisho ayaa soo afjaray arrimo ay kamid tahay hubanti la'aanta dhicida coddeynta.

Hase ahaatee, kaliya maahan qodobkaas waxaa wehliya mashruucii oor-kacsiga iyo ololaha ahaa ee Villa Soomaaliya sida maqane-jooga ah 13-ka kursi Aqalka Sare kaga siisay gobolka Banaadir, arrintaas oo doodo sharci dhalisay.

Inkasta oo hanaanka loo maray ay gabi ahaanba dhinac mar-saneyd xeerarka iyo dastuurka dalka, Golaha Shacabka oo ka shidaal qaata Madaxooyada ayaa ansixiyey qorshaha, iyadoo ay u sacabo tumeen dulaaliin siyaasadeed.

Farmaajo ayaa ku dhiiran-waayey in uu qalinka ku duugo sharcigaas Aqalka Hoose meelmariyey maadaama uu baalmarsan yahay dastuurka, waxaana guddoonka uu u rogay qaraar taasoo dharbaaxo ku noqotay siyaasiyiinta u ololeynaayey.

Talaabo muujineysa in aysan daacad ka ahayn dalabkiisii ahaa in Golaha Shacabka ansixiyo metelaada gobolka Banaadir, madaxweynaha ayaa ku deg-degi waayey in uu qodobkaan riixo mudadii ay socdaan shirarkii arrimaha doorashooyinka.

Taas bedelkeeda, talaabada kaliya ee uu awooday ayaa noqotay in kulamada wadatashiga uu dhageyste-sharafeed ahaan uga qeybgeliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed [Cumaf Filish].

Siyaasiyiinta iyo mudaneyaal ayaa kadib shaacinta war-murtiyeedkii shirka Muqdisho waxay baafinayaan kuraastii loo meelmariyey gobolka, waxayna Cumar Filish ku dhaliileen in uusan wax natiijo ah kala soo laaban xaadiritaanka.

"13-kii kursi ee Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir oo uu Baarlamaanku ansixyey Madaxweyne Farmajo xaguu geeyey?" sidaas waxaa bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo qoray Ilyaas Cali Xasan, sharci-dejiye ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran.

Heshiiska siyaasadeed ee dowlada iyo maamulada ka gaareen doorashada ayaa xeerinaa in baarlamaanka dowlad goboleedyada ay soo xulayaan xubnaha Aqalka Sare, waana sidda uu dhigayo dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya leedahay.

Metelaada gobolka Banaadir ayaa la heli karaa marka la caddeeyo maqaamka Muqdisho – hadii ay noqoneyso caasimada Jamhuuriyada ama in ay yeelaneyso dowlad goboleed lasoo doorto hogaankeeda iyo goleyaasheeda degaanka.

Cabdullaahi Cali Xirsi, wasiirka warfaafinta Puntland oo ka jawaabayay in heshiiska aan lagu arrinta gobolka Banaadir, ayaa u sheegay BBC-da in ay ka horeyso qeexitaanka maqaamka caasimadda.

"Qodobkaas Dhuusamareeb3 laguma soo qaadin, midkaanna [shirka Muqdisho] laguma soo qaadin, waxaan u maleynayaan in qodobkaas ay waxyaabo badan ka horeeyaan," ayuu Timecade yiri, isagoo hadalkiisa raaciyey: "Hadii laga wadahadlay waa arrin u baahan in la waydiiyo Cumar Filish iyo Farmaajo".

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-qoor kana mid ah xubnaha u ololeynayey mashruuca Villa Somaaliya ayaa ka sheegay munaasabada soo xiritaanka shirka in fursada looga gorgortami karo qadiyadan ay wali taalo.

Metelaada gobolka Banaadir ayaa mar walba lasoo hadal-qaadaa dhamaadka muddo xileedka dowlad walba, talaabadaas oo lagu macneeyay in siyaasiyiinta rabaan in ay ku oor-kacsadaa iyo qaar kale oo doonaya in ay Senate-ka galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM