Kursi ka banaanaa Baarlamaanka oo lagu doortay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa saaka magaalada Kismaayo lagu doortay Kursi kamid ah Kuraasta ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga oo lahayd Beesha Hubeer ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, oo la dhashay Cabaas Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud oo lagu dilay bishii May, 2017 nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Maxamuud ayaa helay 50 cod wareegga kowaad, isagoo ka guuleystay musharax lagu magacaabo Fardowsa Xuseen Maxamed oo heshay hal cod, sida ay ku dhawaaqday Xaliima Yareey, Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashada.

Kursiga maanta la doortay ayaa banaanaa tan iyo markii la dilay Cabaas Siraaji sanadkii tagey. Askarigii dilay Cabaas oo dil toogasho ah lagu xukumay ayaan wali lagu fulin xukunkaasi.

Labo Kursi oo kale oo ay ka kala geeriyoodeen Bootaan Ciise Caalin oo deegaan doorashadiisu ay tahay Galmudug iyo Saciid Xasan Geedi, oo isna Deegaan Doorashadiisa ay Somaliland tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM