Kuwait oo ka taageereysa Soomaaliya xakameynta Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Kuwati, Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax, sidda uu soo bandhigay xafiiskiisa.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Khayre ayaa lagu shaaciyey in dhinacyadda ay kawada hadleen mawduucyo kala duwan.

Arrimaha ay isla soo qaadeen, waxaa kamid ah ololaha ka hortagga Coronavirus iyo in dowladda Kuwait ay caawiso Soomaaliya.

"Ra'iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa caawa  [24-ka April, 2020] khadka teleefanka wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Kuwayt Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax. Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kooban ee xafiiska Khayre.

Marka laga soo tago shaac ka dhigida xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah, ma jiro fahfaahin dhinaca Al-Sabaax kasoo baxdey.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 328 kiis oo ah Coronavirus ah; intaas waxaa wehlisa 16 qof oo dhimasho ah iyo sideed bogsasho ah.

Dhanka Kuwait, kiisaska Covid-19 waxay kor-u-dhaafayaan laba kun, 15 geeri ah ayaa wehlisa si lamid ah 613 oo ka caafimaadey.

Guud ahaan caalamka, sidda ay muujineyso xogtii ugu dambeysay ee la diiwaan-geliyey, tiradda kiisaska waa 2.79 milyan oo ruux; 781-kun oo ka bogsootay iyo 196-kun qof oo uu galaaftay caabuqa safmarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM