Lafta-Gareen oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] ayaa ku guuleystay doorashadii xilka Madaxweynaha ee maamulk Koonfur Galbeed, taasoo maanta oo Arbaco ah ka dhacday magaalada Baydhabo.

Lafta-gareen oo guusha ku helay wareegga koowaad ee coddeynta ayaa helay codad dhan 101 oo kamid ah 149 Xilldhibaan oo codadkooda dhibtay, sida uu Guddiga doorashada ku dhawaaqay.

Aadan Nuur Maxamed [Saransoor] oo aad ugu soo dhawaa Lafta-Gareen, oo horey loo saadaaliyay guushiisa ayaa galay kaalinta labaad ee tartank, kadib markii uu helay 22 cod.

Sida codadka loo kala helay wareeggii 1aad:

Cabdicasis Lafta Gareen [101 Cod]
Aadan Maxamed Nuur Soransoor [22 Cod]
Ibraahim Macalin Nuunow [5 Cod]
Sayid Axmed Sheekh Daahir [4 Cod],

Xuseen Cismaan Xuseen [3 Cod]

Waxaa Xumaaday 13 Cod.

Lafta Gareen oo ahaa Wasiirkii hore ee Biyaha iyo Tamarta ee Xukuumadda Ra''iisul Wasaare Khayre ayaa la sheegay inuu yahay siyaasi ay wadato Villa Somalia, oo xirtay Mukhtaar Roobow oo ahaa musharaxa la hadal hayay inuu guuleysanayo.

TAARIIKHDA MADAXWEYNAHA

Cabdicasiis Lafta waxa uu ku dhashay degmada Luuq, ee gobolka Gedo sanadkii 1970, waana 48 sano jir.

Isla degmada uu ku dhashay ayuu waxbarashadiisa Hoose, Dhexe iyo Sare kusoo qaatey, halkaasi ayuuna Macalin Iskuul kasoo noqday, kahor inta uusan Muqdisho usoo wareegan, oo Jaamacad ka dhigan.

Sanadkii 2008, waxa uu Lafta Gareen kasoo noqday Xukuumaddii KMG ee Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

2009, waxa uu noqday Wasiirka Gaadiidka Xukuumaddii Cumar C/rashiid. Sanadkii xigay, isla xukuumaddii Cumar C/rashiid waxa uu Lafta Gareen noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Xukuumaddii Farmaajo dowladii uu hogaaminayay Sheekh Shariif, waxaa loo magacaabey Wasiiru dowlaha Boostada, Isagaarsiinata iyo Warfaafinta.

2011, Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxuu ka noqday Cabdicasiis Lafta Gareen Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Khayraadkia Badda.

Xukuumadda haatan jirta ee uu hogaamiyo Khayre waxuu kasoo noqday Wasiiru dowlaha Ganacsiga, xilkaasi oo iska casilay markii uu isku soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

Markii looga guuleystay doorashadii Gudoomiyaha Gollaha Shacabka April 2018, waxaa Lafta Gareen loo magacaabey Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, iyadoo xilkan iska casilay bishii lasoo dhaafay, si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaasoo maanta uu ku guuleystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM