Laftagareen oo ka hadlay doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta furay Kal-Fadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan iyo Waxyaabaha uqabsoomay mudada Sanadka iyo Bilooyinka ah

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Koonfur Galbeed iyo Dadaalada lagu Bixinayo sidii looga miradhali lahaa Fulinta Himilooyinka Shacabka Waxaana uu Xusay Madaxweynaha Guulaha Laga Gaaray Amniga,Xureynta Degmooyinka,Tayanta iyo Tawabarida Ciidanka,Fulinta Howlgalada Qorshaysan ee lagu Dhibaataynayo Argigixisada Alshabaab iyo Udiyaar garowga Furida Wadooyinka,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xildhibaanada Warbixin ka siiyey Dib-udhiska Magaalooyinka Hirgelinta Mashariic kala Duwan sida Biyooley,Bahnaano,GPLG iyo kuwo kale kuwaasi oo Laga fulinayo guud ahaan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in Safaradii uu ku tagay Degmooyinka Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo uu ugu kuuragalayey Xaaladaha Degmooyinka Waxaana uu xusay in lagu guulaystay in Degmooyinka laga fuliyo Mashariic kala Duwan oo Bulshada Muhiim uah Sida Waxbarashada,Cafimaadka,Dib udhiska Xarumaha Dowlada IWM sidoo kale Madaxweynaha ayaa Xusay in lagu guulaystay in la hormariyo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed lagana Dareemayo Isbedel Hormarineed

Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jihaysa wadada Hormarka.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.

MADAXTOOYADDA KOONFUR GALBEED

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM