Lix ku dhimatey weerar Mareykanku ku qaadey Al-shabaab

Image

Madaxa ugu sareeya Al Shabaab ayaa ku safrayey mid kamid ah labo gaari oo habeenimadii Isniinta weerar gantaalo ah ciidamada Mareykanka ku qaadeen, sidaas waxaa yiri sarkaal u hadley kooxdaan maalinadii Talaadada.

Afhayeenkaan ayaan sheegin in Axmad Cabdi Godane ku jirey Lixdaan sarkaal oo dhintey.

Labadaan Baabuur ayaa ku wajahnaa magaalo xeebeedka Baraawe, halkaas oo Al Shabaab ku leedahay saldhig balaaran, markii gantaalahaanu haleelayeen, Abu Maxamad ayaa wakaalada AP u sheegey, Markhaanti goobta ka ag-dhowaa ayaa sheegey in gantaaladaan ruxeen dhulka.

Weerarka Mareykanka kadib koox ka tirsan Al Shabaab oo wajiga duuban yahay ayaa Tobaneeyo qof xir-xirey kuwaasoo ku eedeeyeen iney basaasayeen.

" Xarig balaaran ayaa bilowdey, qof walba waa la qabtey" sidaas waxaa yiri Maxamad Cali, oo ku nool degaanka Sablaale. " Waxey baarayeen degaanada baadiyaha iyagoo joojiyey dhamaan reer Guuraagii sidtey caanaha."

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada sirdoonka Somalia ayaa sheegey in ciidamada Mareykanka bartilmaameedsanayeen Godane isagoo markaas ka tagey kulan uu la lahaa saraakiisha sare ee ururkiisa. Godane oo loo yaqaan Mukhtar Abu Zubeyr ayaa ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxdaan isagoo xiriir toos ah la xirtey ururka Al Qacida. 2012 dowlada Mareykanka ayaa madaxiisa saartey Godane qofkii soo sheega halka uu joogo 7 milyan oo dollar.

Sarkaal sare oo didey magaciisa maadaama aan la ogoleyn in lala hadlo saxaafada ayaa sheegey in xogta sirdoonka ah ee la hayo sheegeyso in Godane iyo xubno kale ee la socdey ku dhinteen weerarkaan.Sarkaalkaan ayaa tilmaamey in weerarkaan ka dhacey dhul u jira magaalada Muqdisho 170km halkaas oo kooxda Al Shabaab ku tababarato ciidamada.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose ayaa sidoo kale sheegey in weerarkaan uu ka dhacey degaanka Sablaale.

GAROWE ONLINE + WAKAALADAHA

  

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM