Maalgelinta Qadar ee dhismaha dekada Hobyo oo war laga soo saarey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Galmudug ayaa xalay si rasmi ah waxay u daah-furtay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, taas oo ka qeyb-galayaasha qaarkood ay ugu yabooheen aduun dhan 90 milyan oo Doolar.

Saabir Nuur Shuriye, Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug, ayaa sheegay in qorshahaas uu qayb ka yahay "isku tashi" ay doonayaan in ay ku yagleelaan marsada magaalada qadiimiga ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ay rajeynayaan in dhismaha uu bilowday horaanta sanadka soo aadan ee 2021-ka.

Bilooyinkii soo aadan ayuu caddeeyay in ay ka shaqeyn doonan qiimeynta lacagta, daraasada naqshadda, heshiis ay la galaan ganacsatada maalgashiga sameyneysa iyo laba bilood oo ah tartanka shirkadaha dhisaya.

Talaabada uu qaadey hogaanka Galmudug ayaa timid xilli ay horey u jirtay in dowladda federaalka ah ay shaacisay in dekadda ay maalgelin ku sameyn doonto Qadar isla markaana shirkado ajnabi ah ay dhisayaan.

Inkasta oo aysan ahayn markii koowaad oo la dhax-dhigayo, bishii Janaayo 23-keeda sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu dhagax-dhigay, haddana ma jiro wax bilowday tan iyo waqtigaas.

Iyaddoo aanan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa dib-u-dhacaas, haddana waxaa dhowr jeer booqdey wakiilo ka socday Qadar.

Wasiir Saabir oo wax laga waydiiyey sidda ay isku qabaneyso dedaalkooda iyo hadalka dowladda ayaa xusay in ay u baahan yihiin balanqaad dhaaf-siisan hadal, "maadaama dhowr jeer dhagax-dhig la sameeyay.

"Ciddii la timaado qorshe sax ah oo wax noo sameyneysana diyaar ayaan u nahay aad ayaan u soo dhaweynaynaa, laakiin ma rabno annagoo iska fadhina oo dhahayna dal hebelaa wax noo dhisaya aan sugno waqigeeda waa soo dhamaaday," ayuu u sheegay BBC-da laanteeda Af Soomaaliga.

Gunaanadkii, wuxuu si cad u sheegay in uusan jirin heshiis qoran oo dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Qadar ama shirkado kale oo loosoo gudbiyey Galmudug oo ku aadan dhismaha ama maalingelinta dekada.

Dhismaha dekadda Hobyo ayaa la rumeysan yahay in ay "isku filnaanshiyo maaliyadeed siineyso Galmudug". Balse, waxaa calaamad su'aal la gelinayaa haddii ay heli doonto maalgelin ka timaada meel ka baxsan dibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM