"Maalin baan Yariisow kula kaftamay in siyaasadu tahay fuud Ari iyo Kafey"

Image

LONDON, UK – Kaliya ma ahan Soomaalida, waxaase jira dadyow kale oo ay quluubtooda taabatay geerida gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow].

Inkasta oo shaqsiyaadka aadka uga murugoonaya dhimashada marxuumka ay yihiin reerkiisa, haddana asxaabtiisa Soomaalida iyo ajaaniibta ah baa dib u xasuusanaya "daacadnimadiisa iyo u khidmeyntiisa dalka"

Kadib burburkii dalka ka dhacay 1991-dii, Yariisow iyo qoyskiisa oo haatan ka kooban todoba ayaa u qaxay Britain, halkaasi oo ay qaxooti ahaan ku galeen kana bilaabeen noloshooda cusub.

Markii xaalada wadanka ay wax xoogaa xasishay ayuu dib ugu soo laabtay dalkiisa si uu qayb uga noqday dedaalada dib loogu dhisayo, wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan, isaga oo kasoo muuqday dowladihii dambe.

Lataliye dhanka warbaahinta oo u dhashay Boqortooyadda Ingiriiska kaasoo ay saaxiibo dhow ahaayeen Injineer Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in uu aad uga naxay geeridiisa, isaga oo u rajeeyay naxariis.

"Maalin baan ku foor-jeeyay in siyaasadu ay tahay fuud Arri iyo Kafey," ayuu Richard Bailey oo dib u xusuusanaya hadaladii ay is-weedaarsadeen markii ugu horeysay oo ay kulmeen 2010-kii.

Marxuumka oo la filayo in Aas Qaran loo sameeyo ayaa waxaa sanadkaasi loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, waana xili aanan sidaasi uga fogeen markii uu dalka dib ugu soo noqday.

"Wuxuu ku dhex-noolaa dhismaha Wasaaradda, taasi oo ay ku dhex-taalo Idaacad maxali ah oo ay si joogto ah Al-Shabaab ugu soo garaaci jirtay hoobiyeyaal," ayuu hadalkiisa ku daray Bailey oo u waramay Reuters.

Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqa Muqdisho ayaa Galabnimadii Khamiista ugu dhintay Dooxa, caasimada Qadar, dhaawacii kasoo gaarey weerarkii xafiiskiisa lagu qaaday 24-kii July.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow ayaa waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, 16-kii August sanadkii 1965-kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose, dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey Jaamacadda Gaheyr, kuliyadda Civil Engineer, sanadkii 1986-kii.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi u diray ehelada marxuumka ayaa wuxuu faray in calanka hoos loo dhigay, isla markaana dalka uu galo saddex maalmood oo baroor-diiq ah.

Ra'iisul Wasaare Khayre oo si qiiro leh uga hadlay geerida Yariisow ayaa ku tilmaamay "halyeey qaran, nin daacad ah, iimaan leh, dhib badanna usoo maray in ay istaagto qaranimada Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM