Maamul cusub oo loo magacaabay gobolka Bari iyo degmada Bosaso

Image

May 27, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland ayaa maamul cusub usoo magacaabay gobolka Bari iyo degmada Bosaso islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee degmada.

Guddoomiyaha gobolka Bari waxaa loo soo magcaabay Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Ku-xigeenka koowad waxaa losoo magacaabay Axmed Cali Cabdullaahi halka guddoomiye ku-xigeenka labaadna loosoo magacaabay Axmed Xaji Maxamed.

Sidoo kale waxaa duqa cusub ee degmad Bosaso loo soo magacaabay Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) halka ku-xigeenka degmadna loo soo magacaabay Qaasim Cabdiraxmaan Maxamuud (Caluuke).

Golaha deegaanka ee degmada Bosaso waa la kala direy, waxaana madaxweynuhu amar ku bixiyey in muddo 45 cisho gudahood ah lagu soo dhiso gole deegaan oo cusub.

Mas'uuliyiin kale oo la filayey in lasoo magacaabo ayaa magacaabistooda dib loogu dhigey maalinta berri ah.

Faah faahin dheeri ah iyo macluumaad ku saabsan mas'uuliyiinta lasoo magacaabay dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM