Maamulada Soomaaliya oo diidey kulan Muqdisho lagu qaban lahaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirada amniga Maamulada Soomaaliya ayaa ka baaqsadey kulan magaalada Muqdisho lagu qaban lahaa kasoo lagu wadey in Ra'isal wasaare Khayre shir gudoomiyo balse qaban qaabadiisa ay iska laheyd xafiiska Qaramada Midoobey ku leeyahay dalka Soamaaliya.

Kulankaan ayaa sida warsidaha GO ka heley ilo kalsoon yahay baaqdey kadib markii Wasiirada amniga maamulada Soomaaliya qaadaceen in magalada Muqdisho tagaan taasoo ka tarjumeysa khilaafka siyasadeed ee u dhexeeya dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waa kulankii labaad ee muhiim ahaa ee hay'adda fullinta dowlada Federaalka qaban waydo kadib markii maanta uu qabsoomi waayey kulan Madaxweyne Farmaajo la yeelan lahaa labada aqal ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maamulada Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Kismayo horaantii bishaan kasoo saarey warmutiyeed ay kaga hor-imaanayaan siyaasada dowlada ee ku aadan arimaha Federaalka.

Dhinaca kale baaqashada kulankaan ayaa waxay ku tahay dhabar jab dagaalka lagula jro kooxaha argagixisada ah kuwasoo weeraro la beegsanaya dadka rayidka ah.

Siyaasada dowlada ee ku aadan maamulada Soomaaliya ayaa waxaa sii cakirey fikirka agaasimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin ku shaqeynayo kaasoo ah in la wiiqo awooda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka.

Fahad Yaasiin oo xiriir dhow la leh wadanka Qadar ayaa maqaal uu ka qorey nidaamka Federaalka sanadkii 2014 ku sheegey in la wiiqo awooda maamulada Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo lacagta qaar ka tirsan wadamada carabta ee saxiibka la ah Soomaaliya.

Wadanka Qadar oo xiriirka ay u jareen wamada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa isagu dhinaciisa siyaasadeyey qaraxii ka dhacey Zoope iyadoo Wasiirka arimaha dibada dalkaas ku sheegey bartiisa twiterka in weerarkaan loola dan lahaa safaardooda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Hadalka Wasiirka arimaha dibada ayaa u muuqdey mid uu kaga leexinayo mas'uuliyada weerarkaan kooxda Al- Shabaab isagoo madaxa u saarey wadamada Khilaafku kala dhexeeyo ee Khaliijka.

 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM