Maamulka Eyl oo ka cabanaya kalluumeysiga sharci darrada ah

Image

May 16, 2015 (GO)- Maamulka degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa cabasho xooggan ka muujiyey maraakiib iyo doomo shisheeya oo si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Puntland. 

Duqa degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf ayaa u sheegay Radio Garowe in bilihii u dambeeyey tirada doomaha iyo maraakiibta kalluumaysiga ee jiriifka loo yaqaanaa kusoo bateen xeebaha degmada Eyl, dhibaato xooganna ku hayaan noolaha badda iyo weliba kalluumaysatada oo mararka qaar ay qalabkooda ka burburiyaan.

Muuse wuxuu sidoo kale sheegay inay arrintan marar badan kala hadley madaxda wasaaradaha ay khuseyso, balse ilaa iyo hadda wax usoo jawaaba aanay arag.

Mar la weydiiyey tirada maraakiibta iyo doomaha sharci darrada uga kalluumeysta xeebaha Eyl, wuxuu sheegay in shan markab xilligan ku sugan yihiin xeebta Eyl oo keliya balse tiradoodu intaas ka badan tahay.

Ugu dambeyntii, wuxuu duqa degmada Eyl ka digey cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii arintan aan sida ugu dhaqsaha badan dowladdu usoo fara gelin, isagoo xusey inay horseedi doonto falal burcadbadeednimo.

Mas'uuliyiin ka tirsan waaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa mar sii horeysey Radio Garowe u sheegay in cabashada kalluumaysatada sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabi doono, iyagoo intaas ku daray in xakameynta arrintani u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay dowladda iyo dadweynuhu sameeyaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sanadkii hore sheegay in dowladdu dejisay qorshe cad oo lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah, inkastoo ilaa iyo hadda wax tallaabo ah oo dowladdu qaaday aysan jirin. 

Badda Soomaaliya waxaa si sharci darro ah uga kaluumaysta maraakiib waaweyn oo nooca kaluumaysiga ah, maraakiibtaas oo intooda badan laga leeyahay dalalka Asia waxay qaar kamid ahi ogolaansho ka heystaan maamullada ka jira dalka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM