​Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay banaanbaxyada siyaasadeed

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan maanta ka qabsoomay magaalada Muqdishu, ayaa looga hadlay qaabka laga yeelayo bannaanbaxyada ku qotoma siyaasadda ee ay iclaamiyeen qaar kamid ah axsaabta isbadal doonka ah ee fadhigoodu yahay caasumadda Somalia.

Shirka oo soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir, ayaa la isugu yeeray dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka, iyadoo lagu wargaliyay inaan la aqbali doonin isu soo bax aysan raali ka ahayn.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan u dul qaadan doonin banaanbaxyada siyaasadda ku salaysan ee la doonayo in lagu qabto Muqdishu, wuxuuse ku baaqay inay dhawaan qaban doonaan mid kale oo ku salaysan sheegashada biyaha Somalia ee Kenya.

Dibad-baxaas oo uusan caddayn waqtiga uu qabsoomayo, ayuu xusay in lagu ayidayo mowqifka dowladda Somalia ka taagantahay in lagu murmo biyo ay xaq u leeyihiin sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna tallaabada Kenya waddo ku tilmaamay dhul boob.

Maamulka gobolka iyo degmooyinka Banaadir, ayaa isku raacay sidoo kale in la adkeeyo amniga islamarkaana la iska kaashado qaabka looga hortagi lahaa waxyaabaha carqaladayn kara, maadama lagu jiro xilli dalku isu diyaarinayo doorasho.

Arrintan ayaa lagusoo beegay xilli qaar kamid ah siyaasiyiinta u baratamaya hogaanka dalka Somalia ku baaqeen baanaanbaxyo silmi ah kuwaasoo looga soo horjeeda muddo kororsiga iyo sii joogista Xasan Sheekh ee aqalka looga taliye waddanka.

Amarkan ayaa xogtu sheegaysa inuu kasoo baxday Villa Somalia gaar ahaan madaxda waqtigu ka dhammaaday, kuwaasoo raad tiraya wax kasta oo cadaadis ku saari kara inay xafiiska banneeyaan.

Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa ayaa waqtigu kaga ekaa 10 September, waxaana dastuurka dalku dhigayaa inuu shaqada sii hayo inta dowlad rasmi ah laga helayo Afhayeenka Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM