Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay dagaalka Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ahna ku simaha Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellah Dhexe, wuxuu uga hadlay dagaal beeleed ka socday magaalada Baladweyne.

Cali Guudlaawe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka kasocda xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna labada dhinac uga baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada shacabka iyo isu soo dhaweynta beelaha walaalaha ah.

Isagoo sii hadlaya mudane Guudlaawe, wuxuu sheegay in dagaalkaas dhexmarayo dad walaalo ah islamarkaana ka dhaxeeyo dano kala duwan, sidaas awgeed loo baahanyahay in la damiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaal beeleedyada ka socda Gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Wuxuu dhinacyadaas ugu baaqay inay ka qayb qaataan ilaalinta nabad-galyada, dariswanaaga iyo soo afmeerida colaadaas.

Dagaalka Baladweyne ayaa yimid kadib markii shalay meel 30KM u jirta xarunta gobolka Hiiraan lagu dilay Afar qof oo biri-magaydo ah kuwaasoo kala ahaa labo Carruur ah iyo hooyooyinkii dhalay.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagalka oo bilowday saaka galinkii hore.

Maaha markii ugu horaysay dagaal noocaan ah uu ka dhaco Hiiraan, balse waxaa sidaan oo kale marar kala duwan hub isugu qaatay Beelo Ood-wadag ah oo ku sugan magaalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM