Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka baxay shirka Cadaado

Image

June 29, 2015 (GO)- Xilli uu gabagabo ku dhow yahay shirka Cadaado ee maamulka loogu dhisayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug, ayaa waxaa shirkaas isaga baxay ergadii maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ximan iyo Xeeb, Maxamed Xuseen ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in sababta ku kalliftay inay shirkaas ka baxaan ay tahay kadib markii Dowladda Federaalku shirka afduubtey, islamarkaana laga weeciyey jidkii saxda ahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in ergadii Ximan iyo Xeeb u ruuqaansadeen dhanka degmada Dhuuso-mareeb, si ay uga qayb galaan shirka Ahlu Sunna iclaamisey ee maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dhismaha maamulka (Gal-Mudug), maadaama ay horay shirka  Cadaado uga baxeen Ahlu Sunna Waljamaaca oo iyagu xilligan wada qorshe lagu dhisayo maamul ka madax bannaan midka Cadaado ee Dowladda Federaalku ay dabada ka riixeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM