Maareeye oo shaaciyay caqabadaha hor-taagan maalgashiga Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa qiray in ay aad u yar tahay kalsoonida ay shirkadaha caalamiga ama dalalka ku qabi karaan in ay maal-gashi xoogan ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa shaaciyey in shirarkii ugu dambeeyay oo ay qabatay wasaaradiisu ahaayeen kuwa daarnaa sidii ay dib ugu hanan lahaayeen quluubta maal-gashatada caalamiga ah.

Shirarka ay wasaaradu isku dabariday ayaa ka kala qabsoomay qaar kamid ah wadamada dunida iyada oo qaarkoodna ay ka qabsoomeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, inkasta oo natiijada kasoo baxday aanu badneen.

"Soomaalia waxay ubaahan tahay in la gaddo maxaa yeelay waxaa laga bixiyay dacaayado badan; amni xumo, meel aan la tagi karo, burcad badeed..waxaanu ka shaqenaynaa sidii aan u tir-tiri lahayn," ayuu u sheegay Tv-ga dowlada.

Al-Shabaab waa halista ugu badan ee amniga qaranka, sida ay dowladdu qirtay, taasi oo ku adkeysanaya in ay ka guuleysan doonto, inkasta oo aanu muuqan ifafaalo muujinaya in waqti lasoo afjarayo.

Rajo wayn ayuu wasiirku ka muujiyay in inta uu xafiiska joogo ay ku guuleystaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen maqaamkii ay Soomaali ku lahayd caalamka, inkasta oo uu qiray in ay tahay shaqo adag.

- Ganacsiga gudaha -

Dadka Soomaaliyeed waa kuwa caan ku ah ganacsiga, meel kasta oo ay tagaa marka laga hadlayo ganacsi waa ay ka dhex-muuqdaan, wallow ay jiraan caqabado ka hortagaan in ay macaash fiican ka sameeyaan.

Maareeya oo la su’aalay in uu sharaxo dhibaatada ugu wayn ee uu wajahayo baayac-mushtarka maxaliga ah ayuu ku tilmaamay xeen-daab yar oo kala dhex-yaala maamulada dalka ka jira.

"Maamul walba isbaaro ayaa u taalla," ayuu raaciyay "Mid kamid ah ganac-satada baa ii sheegay in hadii Kismaayo uu Muus [Moos] kasoo qaado, oo uu keeno Muqdisho aanu ka helaynin qarasha gaadiidka," ayuu daba dhigay.

Dhamaan dhibaatooyinka jira oo ay tani kamid tahay ayuu balanqaaday in wax ka qaban doonto wasaaradiisa. "Hadii wadadii isbaaro taallo, waxaan ku dhiiragelineynaa in ay badda maraan, oo waddo cusub ah," ayuu xusay.

- Isu dheelatirka ganacsiga -

Marka laga reebo hal dal, dhamaan wadamada kale oo ay xiriirka ganacsi la leedahay Soomaaliya waxay ku qabtaan khasaaro, maxaa yeelay ma jiro isu dheelatir ganacsi, sida uu ka dhawaajiyay wasiirka.

"Dollar-keeni baanu gureynaa, waxaan kusoo qaadaneynaa wax soosaar oo uu dal kale leeyahay oo waliba aan tayo fiican lahayn," ayuu wasiirku daba dhigay, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay wax ka qaban doonan arrintaan.

Kenya waa wadanka Soomaaliya ka hela macaashka ganacsi ee ugu badan, maadaama maalin kasta ay u soo dhoofiyeen 50 diyaaradood oo khaad sida, inkasta oo dhowaan ganacsatada ku dhawaaqeen in ay joojiyeen.

Labada dal waxaa haatan ka dhex-aloolsan khilaaf diblumasiyadeed oo salka ku haya xadugub ay Kenya kusoo sameysay biyaha Soomaaliya, taasi oo dowladda federaalka ay dacwad ku aadan u gudbisay ICJ xukuna laga sugayo.

Ugu dambeyntii, wasiir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay ganacsato Soomaaliyeed oo isbuucii hore dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika, taasi oo uu shaaca ka qaaday in DFS ay jawaab ka bixin doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM