Madaafiic ku dhacday agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoobiyeyaal ayaa lagu waramayaa in Arbacada maanta ah ay ku daateen nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya, madaafiicda ayaa ku dhacday dhismeyaal ku dhow Dugsiga 15-ka May oo kaabiga ku haya Aqalka dalka looga arimiyo.

"Illaa iyo afar ama saddex hoobiye ayaan maqalnay," ayuu yiri qof kamid ah dadka degan meesha ay wax ka dhaceen oo telefoonka ugu waramay Garowe Online.

Fahfaahinta ayaa waxay intaasi raacineysaa in baraha ay madaafiicda ku dhaceen ay ku jiraan goobo ay degan yihiin dad shacab ah.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta, balse waxaa laga cabsi qabaan in ay geysato waxyeelo naf iyo maalba leh.

Hay’addaha amniga oo si kooban uga fal-celiyay dhacdadan ayaa tilmaamay in ay baaris ku wadan halka laga soo gannay madaafiicda.

Ma jirto sidoo kale koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan oo looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Dhacdadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Isniintii qarax ka dhacay isgoyska KM4 lagu khaarijiyey 17 ruux ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM