Madasha Xisbiyadda Qaran oo lacag ku tabarucay fatahaadaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku dhawaaqay in ay gurmadka fatahaadaha ugu tabaruceen laba kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Mas'uuliyiinta xisbiyadda ayaa tilmaamay in deeqdaan ay ugu talogaleen dadka ay daadadku saameeyeen ee ku nool goboladda qaar ee wadanka.

Meelaha aadka ay u saameeyeen fatahaadaha Webiyadda ayaa kala ah; Beledwayne, Bardaale iyo qaybo kamid ah Jubbooyinka.

Sidda laga soo xigtay dhowr illo wareedyo, xubnaha Madasha Xisbiyadda ayaa isku qeybinaya laba koox oo deeqda gaarsiin doona dhibaneyaasha.

Fatahaadaha ayaa yimid markii ay qararka jabsadeen Webiyadda Shabeelle iyo Jubba ee ka yimaadda waddanka Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in ku dhowaad 60-kun oo ruux ay ku barakaceen daadka oo khasaaro naf iyo maal sababay.

Tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin una badan rayid ayaa ku nafwaayey daadadka Beledwayne oo wali uu si teel-teel ah uga da'ayo roobabka.

Xukuumadda ayaa qalyo dhaan u dirtay Beesha Caalamka si ay maalgelin ugu sameeyaan xalka waara ee fatahaadaha soo laab-laabtey.

Madaxweyne Farmaajo oo tegay Beledwayne ayaa ka dhawaajiyey in ay Itoobiya la galayaan wada hadal ku saabsan sidii looga baaqsan lahaa fatahaadyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM