Madasha Xisbiyadda: Waa in baaritaan sax ah lagu sameeyo dilka Almaas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa si tiiraanyo leh waxay kaga tacsiyeysay geerida naxdinta leh ee ku timid Almaas Elman oo u dhimatay xabad "si kadis ah ugu dhacday".

Marxuumadda ayaa galab-nimadii Arbacada lagu toogtay gudaha Xalane, xarunta ugu weyn ee safaaradaha caalamka ee Soomaaliya.

Fahfaahino kooban oo laga helay dhacdada ayaa ku warameysa in ay ku nacday xabad aan illaa iyo haatan la ogayn halkay ka timid.

Axmed Macalin Fiqi, oo ah xoghayaha guud ee Madasha, ayaa codsaday in baaritaanka toogashadda Almaas uusan lamid noqon kii gobolka Banaadir.

Xalane ayaa lagu sheegaa mid kamid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan gudaha Muqdisho, balse dilkaan wuxuu dhaliyey shaki aad u weyn.

Inta la og-yahay waa markii ugu horeysay in dhimasho noocaan ah laga soo wariyo goobtaas marka laga reebo weerar ama hoobiye.

"Waxay madashu dalbaneysaa in baaritaan sax ah oo aan ahayn kii Guddi baa loo saarey oo aan ahayn kii u dambeeyay ee gobolka Banaadir," ayuu Fiqi yiri.

Ismiidaamintii gobolka oo uu ku dhintay duqii caasimadda ayay dowladdu shaacisay in ay ka dambeysay haweenay camoole ah. Al-Shabaab ayaana sheegatay.

"Baaritaan umadda ku qanci karto la sameeyo, sababta ay u dhimateyna Umadda loo caddeeyo meeshaas oo aan ognahay in ay tahay meeshii u dambeysay, meel nabadgalyo lagu helaayo ma jirto weye, marka".

Fiqi, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo ka qabsoomay magaaladda caasimadda ah.

Almaas Elman oo qeybta warbaahinta u qaabilsaneyd ururka Midowga Yurub ayaa Muqdisho u timid ka qeybgalka shir looga hadlaayay horumarinta degaanada miyiga oo EU-da ku qabatay magaala madaxda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM