Madaxda Africa oo ka hadlay la-dagalanka Argagaxisada

Image

Arbaco,Septembar.2014 [GO] Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir madaxeedka Midowga Africa ee la-dagalanka Argagaxisada kaasoo lagu qabtay magalada Nayroobi.

Madaxda kale ee ka socotay dalalka Afrika ee iyagana qeyb ka ahaa shirka loog hadlayay amniga iyo argagixasada waxaa ka mid ah madaxweynayaasha  Kenya, Najeeriya, Jaad,iyo sidoo kale  Ra'iisul wasaraha a Al-Jeeriya ayadoo aysan goob joog ahayen laamaha sirdoonka ugu sareeyo wadama afrika ee ay la dageen dhibaatooyinka argagixisada.

Waxaa laga dooday qaabka loo dabar goyn karo argagixisada ku sugan dalalka Afrika qaarkood kuwaas oo carabka lagu adkeeyay in ay sii xoogeysanayeen sanadahii ugu dambeeyay.

Dhawaan dalka Itoobiya waxaa ka dhacay kulan ay dalalka Afrika kaga hadlayeen arrimo badan oo ay kamid tahay amniga gobolka iyo dadka qaxootiga Soomalida ah ee ku nool dalka Kenya sidii dib loogu celin alhaa Soomaliya.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xili hawlgal loogu magac daray Badweynta Hindiya oo ka dhan ah Al-Shabaab uu Soomaliya ka socda hwalgalkaas waxaa Al-Shababa lagaga qabsaday seddex magaalo oo muhiim u ahay Ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM