Madaxda Africa oo ka hadlay la-dagalanka Argagaxisada

Image

Arbaco,Septembar.2014 [GO] Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir madaxeedka Midowga Africa ee la-dagalanka Argagaxisada kaasoo lagu qabtay magalada Nayroobi.

Madaxda kale ee ka socotay dalalka Afrika ee iyagana qeyb ka ahaa shirka loog hadlayay amniga iyo argagixasada waxaa ka mid ah madaxweynayaasha  Kenya, Najeeriya, Jaad,iyo sidoo kale  Ra'iisul wasaraha a Al-Jeeriya ayadoo aysan goob joog ahayen laamaha sirdoonka ugu sareeyo wadama afrika ee ay la dageen dhibaatooyinka argagixisada.

Waxaa laga dooday qaabka loo dabar goyn karo argagixisada ku sugan dalalka Afrika qaarkood kuwaas oo carabka lagu adkeeyay in ay sii xoogeysanayeen sanadahii ugu dambeeyay.

Dhawaan dalka Itoobiya waxaa ka dhacay kulan ay dalalka Afrika kaga hadlayeen arrimo badan oo ay kamid tahay amniga gobolka iyo dadka qaxootiga Soomalida ah ee ku nool dalka Kenya sidii dib loogu celin alhaa Soomaliya.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xili hawlgal loogu magac daray Badweynta Hindiya oo ka dhan ah Al-Shabaab uu Soomaliya ka socda hwalgalkaas waxaa Al-Shababa lagaga qabsaday seddex magaalo oo muhiim u ahay Ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM