Madaxda DF oo todobaadka xorriyada u adeegsanaya ololaha doorashada

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheeyay in todobaadka xorriyadda ay uga faa'iideystaan ololahooda doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee sanadka 2020-2021.

Todobaadka xorriyadda ayaa bilaaban doona 26-ka June, oo ah maalintii ay gobolada waqooyi xorriyadooda kala soo noqdeen Ingiriiska.

Afar maalmood kadib, waxaa loo dabaaldegi doonaa 1-da July/1-da Luulyo oo ku beegan maalintii ay gobolada Koonfureed xorriyadooda kala soo noqdeen Talyaaniga isla markaana ay gobolada midoobeen.

Gobolada Waqooyi oo hadda loo garan og-yahay Somaliland ayaa la filayaa in dhankooda ay xusaan munaasabada weyn ee 26-ka June.

Inkasta oo dadka qaar ay soo dhaweeyeen in la wayneeyo maalmaha xorriyadda, haddana waxay calaamad su'aal geliyeen in la siyaasadeeyo.

Sidda ay sheegayaan warar xog ogaal ah, dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigi doonta wax bixiyey "wax-qabad" kuwaas oo qayb ka ah ololaha coddeynta shakiga ku jiro ee soo aadan.

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], wasiirka warfaafinta xukuumadda ahna gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda, ayaa xaqiijiyey in ay dhici doonan "munaasabado waaweyn".

Isu imaatinadaas ayaa qabsoomaya iyaddoo ay wali jirto halista Coronavirus oo xaaladaha waddanka laga helay ay ka badan laba kun oo kiis.

Maareeye ayaa tibaaxay in madaxda sarre oo uu ku jiro madaxweyne Farmaajo ay khudbado ka jeedin doonaa xafladahaas, waxaana la filayaa in ay hadal-jeedintooda kusoo hadal-qaadaan midnimada dalka.

"Xaq uma lahan"

Balse, mudadii ay jirtay dowlada Farmaajo waxaa sii kala fogaaday xukuumadda federaalka iyo maamuladda oo aan shir fool ka fool ah yeelan dhowr sano, amniga oo liita iyo doorashada oo tuhun laga muujiyey.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore warfaafinta xukuumadda Khayre, ayaa caddeeyay in dowladdu dooneyso isbedel ay ku sameyso hanaanka doorashadda, "taasoo aysan xaq u lahayn".

"Doorashooyinka waxaa wax laga bedeli karaa marka wax laga qabo amniga, kalsoonida shacabka iyo siyaasiyiinta si lamida xorreynta dalka," ayuu ku yiri fariin muuqaal ah oo soo dhigay Facebook.

Arrimaha ugu waaweyn ee shakiga keenay waa xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka oo horyaala Golaha Shacabka, kaas oo maamulada iyo xisbiyadda ay si wadajir ah uga soo wada horjeesteen.

Sidda ay ku doodayaan dhinacyadda naqdiyey, xeerka ayaa dastuuri ka dhigaya 4.5. Sidoo kale, waxaa hanaanka doorashooyinka ay u afduubayaan Villa Soomaaliya.

Puntland ayaa shaacisay in ay go'aan qaadan doonto hadii wadahadalka la filayo in ay madaxda dowladda iyo maamulada ku yeeshaan Muqdisho ay kasoo bixi waayaan qodobo xalinaya "xaaladda cakiran"

Xisbiyadda mucaaradka ayaa horey uga dhawaajiyey in dhankooda ay wadatashi isugu imaan doonan hadii dowladda wax ka bedeli habka ay haatan u maareyneyso mar-xalada kala guurka ee "kali-taliska ah".

Caadiyan, madaxda caalamka ayaa khudbadahooda maalmaha xorriyadda diirada ku saara halgankii gobanimo doonka iyo midnimada, balse Soomaaliya waa meel ka duwan, waxaa lagu diraa fariimo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM