Madaxda DF Soomaaliya oo shacabka ugu hambalyeeyay Ciidul Fidriga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga ayaa Alle ka baryey in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadkeenna, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed.

“Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan.

“Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

Dhanka kale, ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo dhambaal hambalyo oo noocaan ah u diray bulshadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana kala fogaadaan marka ay kulmayaan Covid-19 awadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM