Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna oo looga yeeray Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Somalia, ayaa ugu yeertay madaxda sare ee Galmudug iyo Ahlu Sunna inay yimaadaan magaalada Muqdishu, oo lagu wada inuu ka furmo shir lagu heshiisiinayo labadaasi dhinac.

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Guddoomiyaha Barlamanka maamulkaas Cali Gacal Casir ayaa ka duulay Cadaado, waxayna tageen maanta Muqdishu.

Mas'uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna ayaa sidoo kale la filayaa inay maalinta berri ah tagaan Muqdishu, oo 12-ka bishan April ka furmayo shir dib u heshiisiin ah oo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wada-hadallada Ahlu sunna iyo Galmudug oo mudo 5 maalmood ah ka socon doono Muqdishu, ayaa waxaa dhex-dhexaadin doono madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo Wakiillada beesha caalamka.

Ujeedka Shirka ayaa ah in dhinacyada lagu heshiisiiyo, lana dhameeyay khilaafkooda daba-dheeraaday ee la degay gobollada dhexe, kahor inta aysan dhicin doorashada Madaxweynaha Galmudug 30-ka April.

Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ogolaatay inay la midowdo Galmudug, markii Madaxweyne Farmaajo Muqdishu kula kulmay hogaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir bishii February, ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heshay Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya

Shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa si weyn looga soo horjeestay Itoobiya.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:44AM