Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Image
Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

London (GO) - AstraZeneca, oo ah shirkadda weyn ee soo saarta dawooyinka, ayaa qiratay in tallaalkeeda "Covishield" uu sababi karo waxyeelooyin halis ku ah jirka bani’aadanka.

"Covichield" waxaa soo saartay AstraZeneca, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda Oxford, waxaana lagu farsameeyay Machadka Serum ee Hindiya, halkaas oo Calaamka kale loogu qeybiyay.

Shirkadda ayaa hadda wajahaysa dacwad gudaha UK, halkaas oo qaraabada dhibanayaasha 51 kiis oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac halis ah kana soo gaaray tallaalka ay codsadeen magdhow gaaraya £100 milyan.

Waxaa xusid mudan in 300,000 oo ka mid ah tallaalka AstraZeneca lagu qeybiyay gudaha Soomaaliya bishii May 2021kii, waxaana loogu tala galay shaqaalaha ka howgala Isbitaalada iyo dadka ugu nugul xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM