Galmudug oo isku khilaafsan Mowqifka Khilaafka Khaliijka

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa kasoo horjeestay go'aankii kasoo baxayy Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ee uu kula saftay Sacuudiga iyo Xulufadiisa.

Wa Saxafaadeed uu soo saarey Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uusan wax wadatashi ah kala sameyn go'aanka maanta uu soo saarey, ee xiriirka loogu jaray dowladda Qadar.

Carabeey ayaa xusay in Galmudug ay tahay maamul dhameystiran, oo Hay'adiisa kala duwan, ay dhamaan taageersan yihiin go'aanka dhexdhexaadnimo ee dowladda Federaalka ee Khlaafka Khaliijka.

Wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne Xaaf uu ku deg-degay go'aankii maanta uu soo saarey, ee uu ku sheegay in Galmudug la safatay Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga, ee xiriirka u jaray Qadar bishii June.

Halkan hoos ka akhri War Saxaafadeedka;

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM