Madaxda KG oo la kala saftay musharixiinta iyo Roobow oo lagu dhegan yahay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Olalaha doorashada Koonfur Galbeed ayaa si xowli ah uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta goboleedka Baay, halkaasoo musharixniinta ay kulamo gaar-gaar ah la qaadanayaan dadka ku lugta siyaasadda KG.

Amniga magaalo madaxda KMG ah ee maamul goboleedkan ayaa si wayn loo sugay xili ciidamo horleh ay dowladdu udaabushay halkaasi, taasi oo dareen cabsi iyo jahwareer ku abuurtay Shacabka iyo Xildhibaanada.

Dhinacyadda ay la kulmayaan tartamayaasha ayaa isugu jira Xilldhibaanada gollaha Wakiilada, Odayaasha dhaqanka, Wax-garadka iyo Aqoonyahanada oo isugu jira labaduba - Dumar iyo Rag.

Kulamadda oo todobaadyadii ugu dambeeyay si isbajoog ah ay u qabsanayaan Musharixiinta, islamarkaana ka dhacaya hoteelada ugu caansan magaalada ayaa isugu jira kuwa rasmi iyo kuwa qarsoodi ah.

Xubnaha kasoo muuqday waxaa kamid ah masuuliyiin isugu jirta wasiiro iyo shaqaale ka tirsan maamulka haatan jirta ee uu waqtigu ka dhamaaday kuwaasi oo Murashaxiinta la kala saftay.

Masuul walba wuxuu garab istaag wayn u muujiyay Musharax ay isku heebta yihiin, isaga oo kala shaqaynaya howlaha doorashada iyo xod-xodashada mudanayaasha Baarlamaanka oo ah codbixiyaasha.

Tani waxay kusoo aadaysaa xili mar sii horeysay sii haaya xilka Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Sharci-dejinta Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye uu ku amray wasiirada inay qaab qoraal ah usoo gudbiyeen hantida dowlada.

Sababta ayuu ku sheegay inaanu dhicin ku tagrifal maaliyadeed, maadaama xaalad kala guur ah uu galay dowlad goboleedkan, islamarkaana uu meesha ka baxay Madaxwaynihii, Shariif Xasan Aadan, oo is-casilay.

Doorashada xilka Madaxweynaha  Koonfur Galbeed, ayaa loo madalsan yahay inay qabsoonto 19-ka bishaan December, xili ay dib uga dhacday 5-ta bisha taasi oo noqoneysa markii afaraad oo la baajiyo.

Villa Somalia ayaa la sheegay inay wali dhegan tahay Mukhtaar Roobow, oo ay ka shaqeynayso inay kahor istaagto doorashada, hadii taasi dhici waysa, oo uu ka qeybgalana ay u adeegsato awood iyo lacag.

Doorashada KG ayaa saddex jeer dib loo dhigay, sababo lagu sheegay faragelinta Xukuumadda Soomaaliya, kadib markii Baydhabo ay u dirtay Musharixiin hubeysan, oo malaayiin dollar wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM