Madaxda Maamulada oo DFS ku wehlin doona Shirka Brussels

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka, oo lagu wado inuu 25 ama 26-ka June ka furmo Brussels, ayaa waxaa ka qeybgali doona dhamaan madaxda maamuladda, sida uu Warisadaha Garowe Online ogaadey.

Shirkaan ayaa daba socda mid uu bishii lasoo dhaafay Brussels uga soo qeybgalay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kaasoo diiradda lagu saaray amaanka Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo dib u dhiska ciidanka xooga Soomaaliya.

Illo xog ogaal ah, ayaa GO u sheegay in Khayre ay dowladaha Beesha Caalamka ku wargeliyeen inay muhiim tahay in qorshaha Amniga Soomaaliya uu noqdo mid loo dhan yahay, oo Madaxda maamulada iyo dowladda Federaalka ay ku raacsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu socday shirkii Baydhabo ay isku deyday xukuumada FS inay ku qanciso madaxda maamulada, laakiin ay ku raaci waayeen fekerkaasi, kadibna la isla meel dhigay in si wadajir ah looga wada qeybgalo shirka Brussels.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa ogolaaday dalabkaas, waxayna noqoneysaa markii labaad oo madaxda maamulada dalka ku wehliyaa dowladda hadda jirta shir dibada ka dhacaya kadib midkii ka dhacay Ingiriiska sanadkii hore.

Tan iyo markii la doortey Farmaajo bishii Febuary 8, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka shaqeynayay in dowladda Dhexe ay dalka ku matasho shirarka dibadda ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo. Lama oga hadda waxa isbedelay.

Kawada qeyb-galka Shirka Brussels ayaa ka dhigan in wax isbedal ah uusan ku imaan siyaasadihi hore ee madaxda maamullada ku wehliyaan kuwa dowladda Federaalka shirarka caalamiga ah.

Dalalka dhaqaalaha ku bixiya dhismaha ciidanka xoogda dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ka muujiyeen niyad jab wayn, sida hadda u socdaan howlaha dhisitaanka ciidanka xooga Soomaaliyeed, iyagoo ka "aaminaad baxay".

Saaxiibadda Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa shaki gelinaya sida ciidamada xoogga dalka ugu guuleysan karaan amniga, xilli ay soo baxayaan eedeymo Mareykanka u jeediyay oo ah la musuq-maasuqo deeqaha dhaqaale ee Ciidanka.

Shirka Brussels hadda laga sugayo hogaamiyaasha Soomaaliya oo dhan iyo qorsho ay ku mideysan yihiin, iyadoo Dowladda Federaalka ka shaqeynaysay in deeqbixiyaasha ay u gacan-geliyaan dhaqaalaha ay ugu tala-galeen qorshaha amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkan warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiir cusub oo dowladda Belgium usoo magacawday Soomaaliya. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM