Madaxda maamulada oo mowqif mideysan ka qaatay doorashadda

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda maamulada Soomaaliya oo Sabtida maanta ah uu caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uu uga furmay shir wadatashi ah ayaa mideeyay mowqifkooda doorashooyinka soo aadan.

Hogaamiyeyaasha ayaa ku adkeystay in ay muhiim tahay in coddeynta 2020-21 ay waqtigeeda ku dhacda oo aysan dhicin wax muddo kororsi ah.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug oo jeediyey khudbadda furitaanka shirka, ayaa hoosta ka xariiqay in cod-bixinta oo xilligeeda ku dhacda ay muhiim u tahay xasiloonida iyo amniga waddanka.

"Madaxweynayaasha xubnaha ka ah DFS waxay doonayaan hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah, taas macnaheedu maaha in taladdu ay ku kooban tahay dawlad gobaleedyada, Iskaashi dhexmara Dawladdaha xubnaha ka ah DFS, sida dhameystirka Dastuurka, La dagaalanka Argagixisada, Dibu dhiska dalka, Dibu dhiska ciidamada & Horumarinta dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo himilooyinka lama huraanka u ah Tanaasul, talo wadaag iyo turnaansho," ayuu yiri.

Wuxuu xusay: "Ilaa Dhismihii Carta 2000, waxaa lasoo maray horumar wanaagsan, waxaa mudooyinka dambe dhaqan siyaasadeed oo wanaagsan noqotay, Doorashada joogtadi ah waxay qeyb ka tahay Xasiloonida siyaasadeed ee dalka, xiliga aan ku jirno awgiis shacabka Soomaaliyeed waxay indhaha ku hayaan gogosha taala Galmudug, gaar ahaana caasumada, waxaan rajeynaynaa in shirkaan ay kasoo bixi doonto aragti mideysan oo ku wajahan xaaladda Kalaguurka ee dalka, waxaan u cadeynaya in ujeedada gogoshan ay tahay in xal ay ka ahaato dhammaan Howlaha taagan ee u baahan maareynt".

Dhankiisa, Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo madaxda dowladda federaalka ah in ay ka shaqeeyaan in doorashadda soo aadan laga heshiiyo.

"Shirkan, waa shaqo loo qabanayo Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxay ka hadlayaan waa howlo ay idiin qabanayaan oo ay shaqadooda idiin qabanayaa, Dalka doorashadiisu ay dhacdo waqtigeeda, dalkuna uu marxalad 2aad ugu gudbo, mida quruxda badan ee qof iyo cod aan gaari doonaa, maanta ma bilna suuragal maaha, wixii an ka badin weyno aan ka tashano oo aan aqbalno, wixii aan kari karno aan iimaansano, waxaan ku rajo-weynahay in sida Beesha Caalamku nala jecel yahay aan gaari doono," ayuu tibaaxay.

Qudhiisa, Cabdicasiis Xasan Laftagareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa rajeeyay in hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha dalka iyo ra'iisul wasaaraha ee doorashooyinka loo bedelo ficil.

“Doorasho dhici doonta, oo waqtigeeda ku dhici doonto, doorasho dadka soomaaliyeed oo dhan heshiis ku yihiin sida madaxda dowladda sheegtay, golaha wasiirada ku baaqeen Madaxweynaha ku taageeray, dooarshada aan rabno oo dhici doonto waa doorasho dadka Soomaaliyeed heshiis ku yihiin," ayuu ka shan-qariyey Laftagareen oo ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam oo adkeeyay in ay muhiim tahay wadashaqeynta iyo wadatashiga dowladda federaalka ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in aan la fulin heshiisyo ay wada-galeen dowladda iyo maamuladda.

"Dowlad Goboleedyadu waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas’uuliyiintoodana talada ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo mid laga wada tasho oo la isu yimaado oo la isla qaato meesha la is leeyahay wey gaari kartaa," ayuu caddeeyay madaxweynaha Jubbaland.

Xilli uu rajeeyay in shirka ay kasoo baxaan natiijo wanaagsan, Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la joogteeyo shirarka ay yeeshaan dowlad goboleedyadda kana heshiiyaan doorashadda.

“Shirkaan muhiimadiisa waxaa rasmi ah oo doorashooyinka iyo siyaasadda waxa dowlad goboleedyada ka dhaxeeya intaba saameyn ku leh, malaha dowlad goboleedyada go’aan ka gaarista arrimo badan, laakiin tashi ayay ku leeyihiin mana doonayaan shaqo aysan iyaga laheyn inay qabtaan, inta ay xaqa u leeyihiin inay ku darsadaan taladooda waaye," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha HirShabelle oo sheegay in xasiloonida dalka ay ku xiran tahay in loo hogaan-samo dastuurka, ayaa ayiday in dalka ay 2020-21 ka dhacdo doorasho heshiis lagu wada-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM