​Madaxtooyada Somalia oo guul ka sheegatay Duqayn ka dhacday Saakow

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxtooyada Somalia, ayaa ka hadashay duqayn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu sheegay in duqayntaas lala eegtay saldhig kooxda Al Shabaab ku tababarato, taasoo muhiim u ahaa kooxdan.

Laguma faah faahin khasaaraha ka dhashay howgalkaas oo ay fuliyeen mid kamid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca.

“Saaka aroortii, waxaan amray in ciidamadeenna gaarka ah oo kaashanaya saaxiibadeenna caalamka in ay weerar ku qaadeen xarun tababar oo kooxda Shabaab ku lahayd meel u dhaw degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.”

Duqaynta oo ay ka qayb qaateen Ajaanib ayaa lagu sheegay inuu guulaystay islamarkaana lagu wiiqay awooda kooxdan dagaalka kula jirta dowladda Somalia iyo saaxiibadeeda taageera.

“Weerarkan oo ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee Shabaab, tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu ku soo abaabulo weerarro cusub.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia ku dadaalayso sidii ay u uga hortagi lahayd dhammaan weerarada kooxdan iyadoo intaas la raaciyay in howgallada noocaan ah sii socon doono.

“Dowladda Federalka oo kaashanaysa saaxiibadeenna caalamka waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo looga hortagayo in hawlgallada noocan ah aysan wax dhibaatada ah ka soo gaarin dadka shacabka," Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somalia.

Dowladda ayaa ballan qaaday inay tir-tiri doonto kooxdan xiriirka la leh Al Qacida, iyadoo War-saxaafadeedka ku muujisay inuu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah  Al Shabaab.

Madaxweynaha Somalia, ayaa wacad ku maray in kooxdan uu dalka kaga sifayn doono muddo Labo Sano ah, waxaana bar-bar socda howlgal lagu xasilinayo ammaanka caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM